Nin Somalilander ah ayaa laga hayaa “Allaylehe inteedaan ku sugay.” Ma
maanta ayaa Madaxweyne Axmed-Siiraanyo u adeegsaday xukunka Hubaal
xeerkii ciqaabta ee Somaliya,kuna saxeexan-yahay Adam C.Cusman,lana
dejiyay 1962.Ma anigaa riyoonaya oo u qaba dalkan Jamhuuriyada
Somaliland inuu leeyahay dastuur u gaar ah,sharciyo iyo xeerar u gaar
ah,yahay-na dal madaxbanaan mise qoon qarsoon ayaa dalkan ka taliya.
Wax badan ayaynu ka maqalay madaxweyne Axmed-siiraanyo isagoo leh
“Cadaalada ayaanu sugi doonaa.” Tolow ma waxa uu u jeeday xabaal
ayaanu ku ridi doonaa cadaalada marka dhibanayaashii wargeyska Hubaal
mar labaad madaxtooyadu u adeegsatay boliska,xeer ilaaliyaha guud iyo
garsooraha maxkamada gobolka M/Jeex ayagoo ku eedaynaya Madaxweyne
Axmed-Siiraanyo,wakiilka ganacsiga itoobiya iyo niilka ayay hubaal wax
ka qortay.Waa yaabe miyaanu Madaxweyne Axmed-siiraanyo ahayn
musharaxii shalay ay saxaafadu u badheedhay hiilkiisa? Maxaa maanta
isbedelay ee ay saxaafadu ku mutaysatay abaal-darrada la gashay
xabsiyada dalka.Sawtuu khudbad kasta oo uu ummada u jeediyo ku
darsanaayay “waxaanu dhiiri gelin doonaa saxaafada madaxa-banaan”.
Mar kasta oo aan dib u raaco ballan-qaadyadii,khudbadahii Madaxweyne
Axmed-Siiraanyo iyo talaabooyinka cadaalad darrada ah ee ay dawladiisu
ku hayso saxaafada madaxabanaan waxaan talo ku daayaa ma jiro wax u
dhaxeeya dhaqamadii keli-taliyahii Afweyne iyo dhaqamada Madaxwene
Axmed-siiraanyo ku hogaaminayo dalka,waxaanu heeryada ka rogay inuu
yahay laba nin ama cid kale metesho.Waxanse madaxweynaha leeyahay
“ogow dhirta waxa jira geed lagama garaacaan ah.” Nabad aan ku
ledo,waxaan doonana aan falo ogow waa tii adiga iyo aniguba ka
halganaye.
Markaan jaleeco falalka wasiir Xirsi oo hadal hayntiisu ku badantahay
shacabkana waxa igu soo dhacda inuu wasiirku ku hawlan-yahay olole u
gaar ah oo ku jihaysan siduu u fuuli lahaa kursiga uu maanta ku
fadhiyo Madaxweyne Axmed-siiraanyo.Hadaan yara saro waxa muuqata mar
labaad inuu Kulmiye isu diyaarinayo hogaanka dalka,Xirsi-na uu
dheelaayo waalo-da ay geel-jirahu ardaaga ku cayaaraan.Bal u fiirso
tabaha uu ugu dhameeyay tartamayaal ka soo baxa degaanka uu Xirsi ka
soo jeedo ee uu keli mudh ka soo yidhi.Wasiir Xirsi waxa uu haatana ku
hawlan-yahay shaxdii uu ugu dhamayn lahaa tartame ka soo baxa degaanka
waqooyiga Hargeysa oo ahaa codadkii ugu badnaa ee Kulmiye ku soo
baxay.Waana arrinka maanta dabada haya wada-tashiga ay wadaan degaanka
waqooyiga Hargeysa.Waa sida uu filayo-e waxa u muuqata Xirsi inuu keli
ku noqdo tartanka madaxweyne ee Kulmiye filaayo doorka labaad inuu ku
guulaysto hogaanka dalka.Sidaa darteed ayaan u arkay xukunka
xaqdarrada ah ee ay dawladu kula kacday wargeyska Hubaal inuu
garsooraha maxkamada gobolka M/Jeex fuliyay amar kaga yimi dhinaca
Wasiir Xirsi loona soo mariyay Xeer-ilaaliyaha guud.Waayo,waxaynu
ogsoonahay mar kasta oo ay dawladu danay-nayso dacwad in loo dhiibo
garsoore Cusmaan oo ka mid ah 12ban garsoore oo ka hawl gala maxkamada
gobolka M/Jeex.Weliba marka uu garsoore Cusmaan waday xukunka
xaqdarrada ah ee uu ku riday Hubaal waxa ku socday dacwad,waxaana la
balansanaa gudida cadaalada.Waxa loo xushay garsoore dacwadi ku socoto
waa dhako qaawan.
Waxa aan ku soo afjarayaa fariin aan u dirayo Madaxweyne
Axmed-Siiraanyo,waxaanan leeyahay madaxweyne kaama qabato saxaafadii
ku garab gashay ee si badheedh ah kuugu hiilisay inaad maanta ku
xidh-xidho wax baa layga qoray ee waa inaad dhibanayaasha hubaal iyo
wargayskaba si dhakhso ah ugu soo celisaa xoriyadoodii oo aad fulisaa
odhaah-daadii ahayd “Waanu ka soo horjeednaa cabudhida saxaafada
madaxa banaan.Markaa Mudane Madaxweyne ma adigaa yidhi”Hubaal ayaa wax
iga qortay” mise waa caadadii wasiir Xirsi.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL