HARGAYSA(W,N)- Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo maanta ka hadlayay shir jaraa,id oo ay magaalada hargaysa ku qabteen madax-dhaqameedka beesha Daa,uud Garxajis ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka iyo hadaladii maalmihii udanbeeyay kasoo kala yeedhayay xukuumada iyo madax-dhaqameedka beesha habar yoonis kaasi oo abuuray xasaasiyad siyaasadeed.
Suldaan maxamed cabdiqaadir ayaa cadeeyay ka beel ahaan in aanay beesha ay walaalaha yihiin aanay kula socon wixii kasoo horjeeda Somaliland iyo dagaal toona.
Sidoo kale suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu dalka mideeyo Wixii wax tabanaya arinkoodu uu dhagaysto.
Suldaanka oo arimahaasi ka hadlayaa ayaa wuxu yidhi,
“Arin fiican baad ka hadasheen talo wanaagsan waad soo jeediseen, Nabad galyo markaad balan Qaadayso dee waa inaad xadhkaheeda iyo hubkeeda usamaysataa arinta aynu maanta ufadhinaa waa arin rasmi ah, Hadii Aynu Siciid Iyo Daa,Uud Kala Nahayna Anagu Kuma Raacsanin Dagaal la Qaado,Lakiin Wixii kale Ee wax qabad ah diyaarbaanu cidwalba ula nahay, somalilandna waan jiranaynaa ee kala jiran Mayno somalilandna inay mid uu inoo Qonoto ayaa loo baahan yahay,
Sidoo kale Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa fariin culus ydiray madaxwayne Muuse Biixi “Madaxwaynaha waxaan leeyahay dalku waa mid E Adiguna mid iskaga dhig Oo Midee, Nimanka meesha joona ee ergada loo diray ee salaadiinta ah way cabanayeen Oo waynagii tvgayada ka maqlaynay, bal arinkaana waynu hubin doonaa, jananku haduu qaldan yahayna dawladaa usheegi oo waad khaldan tahay ku odhan,
Dhanka kale Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa shaaciyay shir ay iskugu iman doonaan beeshoodu, wuxuna yidhi;balankaasi waxa weeyi mudadaa 15cisho wixii ka danbeeyo in uu bilaabo shirki, shirkaasi oo lagaga hadli doono wixii khuseeyay nabadgalyada,
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE.