WAJAALE NEWS

Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Iyo Doork Dalalka Gobalka

Hargeysa(W,N)-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay taageersan tahay wada hadal dhisan oo dhex mara Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana ay taageerayso talaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida u dhaxaysa labada dawladood.

Xildhibaan Michael Ancramoo ka tirsan Baarlamaanka Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda iyo dalalka barwaaqo sooranka Ingiriiska Ahmad of Wimbledon, wuxuu toddobaadkan Baarlamaanka Ingiriiska ku weydiiyay doorka uu Ingiriisku kaga jiro sidii dib loogu furi lahaa wada hadal lagu dhisayo kalsoonida Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Wasiir Ahmad Wimbledon ku jawaabay “Ingiriisku wuxuu soo dhawaynayaa talaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida maamulada Hargeysa iyo Muqdisho, waana u diyaar inuu taageero geedi socodka wada hadal dhisan. Ingiriisku wuxuu weli qabaa inay Somaliland iyo Soomaaliya u taalo inay ku heshiiyaan qorsheyaal kasta oo cusub, waxaanay u taalaa wadamada jaarka ee gobalka inay horseed ka noqdaan aqoonsigooda. Masuuliyiinta Ingiriisku waxay ku biireen tiro kale oo saaxiibada caalamiga ah iyo xubno ka kala socday Muqdisho iyo Hargeysa oo dhawaan kulan aan toos ahayn ay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue ugu qabatay Nayrobi bishii June, kaas oo uu ujeedadiisu ahayd in lagu dhiirigeliyo hore u socod.

 

Exit mobile version