WAJAALE NEWS

Lix ka Mid ah Ciidamada AMISOM Oo Lagu Dilay Weerar Iyo Tiro Kale Oo Ku Dhaawacantay.

Balcad(W,N) Lix ka tirsan Ciidamada Howlgalka Somaliya ee midowga Africa AMISOM ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo Ururka Al-shabaab ay ka geysteen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamadan la dilay oo gaar ahaa ka socda dowladda Burundi ayaa lagu Soo Waramayaa in ay weerar ku soo qaadeen Dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab fariisin ay ku lahaayeen waddada isku xidha degmada Balcad iyo deegaanka Qalimoow ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ila saddex Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, halka Labo kalana lagu la’yahay weerarkaasi.

Weerarka lagu dilay Lixda Askari ee ka tirsanaa Ciidamada midowga Africa ee somaliya ujooga Nabad ilaalinta ayaa imanaysa maalmo uun kaddib markii ay Al-shabaab sheegteen weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir kuna dhinteen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, iyadoo weerarkaa uu dhaawac culus ka soo gaadhay Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Waddada isku xidha Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah meelaha ugu halista badan ee ay weerarrada ka geystaan xoogagga ururka Al-shabaab.

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version