WAJAALE NEWS

Amnesty International oo War Ka Soo Saartay Xayiraaddii Telefiishanada Horyaal iyo Eryal

Hargeysa (WJN) – Saddexdii bilood ee tagay Masuuliyiinta Somaliland waxay kor u qaadeen Weerarkooda ay ku diiddan yihiin Codadka (lidka ku ah), waxayna xidhayeen Warbaahinta, waxaana soo noqnoqday xadhigga, sida ay sheegtay Hay’adda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International.

Intii u dhaxaysay 17 April illaa 9 May ee sannadkan, Somaliland waxa lagu xidhay Suxufi, Hoggaamiyaha dhallinyarada Xisbi Mucaaradka, Shaqaale Dawladeed, kuwaasi oo dhammaantood Facebook qoraallo ku baahiyey iyo Xubin ka mid ah Baarlamaanka oo su’aal geliyey ahmiyadda ay leedahay xuska 18-ka May iyo inay tahay Maalin Qaran.

Amnesty International oo Maanta War Qoraal ah soo saartay ayaa sheegay in Xubnahaa la xidhay midkood u sheegay in dhaawacyo soo gaadheen markii la xidhayey.

Amnesty International waxay sheegtay in korodhka dhibaataynta iyo Hadidaada Dawladdu ku hayso Cidda naqdida ay Markhaati u tahay dul-qaad la’aan Xukuumadda hadda talada Somaliland haysa iyo tixgelin la’aanta Xuquuqda aadamaha.

Agaasimaha Amnesty International ee Bariga Afrika, Geeska Afrika iyo Harooyinka waaweyn Joan Nyanyuki ayaa sheegtay 18-kii bishii June waxay xidheen Telefiishannada Horyaal 24 Tv iyo Eryal TV, waxaana lagu eedeeyay ‘Baahinta Warar khatar ku ah Amniga Qaranka.’ inkasta oo aan wax Caddayn la raacin eedayntaasi.

Xayiraaddii Labadaa Telefiishan waxa la laalay 30-kii June, ka dib Isfahan ay wada gaadheen Wasaaradda Warfaafinta iyo Mulkiileyaasha labada Telefiishan, laakiin “korodhka dhibaataynta iyo Hadidaada Dawladdu ku hayso Cidda naqdida ay Markhaati u tahay dul-qaad la’aan Xukuumadda hadda talada Somaliland haysa iyo tixgelin la’aanta Xuquuqda aadamaha…” ayay tidhi, Agaasimaha Amnesty International ee Bariga Afrika, Geeska Afrika iyo Harooyinka waaweyn Joan Nyanyuki.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version