Hargeysa (WJN) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland oo mudo 38 maalmood ah ku xidhnaa xarunta CID-da Somaliland ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay.
Xildhibaanka ayuu xadhigiisu la xidhiidhay kadib markii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa uu ku tilmaamay maalinta dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland ee 18-ka May maalin Madow oo beelaha dega Somaliland aany u dhamayn.
Qabashada Xildhibaan Dhakool ka dib oo maxkamada gobolka Maroodi-jeex la hor geeyey ay diiday inay dacwadiisa gudo gasho maadaama oo uu huwan yahay xasaanada xildhibaan nimo, waxaana sidoo kale Golaha Baarlamaanka Somaliland uu diiday inuu xasaanada ka qaado xildhibaanka.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/TwStFsrtb_I
Wajaalenews Desk
Hargeysa Office
Wajalenews@gmail.com