WAJAALE NEWS

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Magacaabay Taliyaha Guud Ee Ciidamada Milateriga

Addis Ababa (WJN) – Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay magacaabidda saraakiisha sar sare ee ciidamada milliteriga.

Sidaa darteed, Ra”iisal wasaaruhu wuxuu magacaabay Adem Mohammed oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca Qaranka.

General Adem ayaa badalay General Seare Mekonnen, oo uu dilay ninka ilaaliyaha ah Sabtidii lasoo dhaafay, June 22, 2019.

General Adem wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Sirdoonka Qaranka iyo Adeegyada Ammaanka (NISS).

Sidoo kale, waxaa Taliyaha Guud ee ciidanka loo magacaabay Mola Hailemariam.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sidoo kale magacaabay Agaasimaha Guud ee NISS, Demelash Gebremichael.

https://fanabc.com/english/2019/06/pm-dr-abiy-appoints-three-top-military-officers/

 

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version