WAJAALE NEWS

Masuuliyiin Ka Socda Xukuumada Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Goobta Loo Raray Qoysaskii Deganaa Wadadda 15oka.

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ,gudoomiyaha haayada qaxoontiga, badhasaabka gobolka maroodi jeex iyo masuuliyiin ka tirsan dawlada hoose ee hargaysa ayaa kormeer ukuurgalinta xaalada dadkii laga soo raray wadada 15o ku tagay goobta cusub ee loo raray qoysaskan.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ayaa digniin culus diray dad usheegay in ay doonayaan in ay ku dul ganacsadaan qoysaskan.

Sidoo kale gudoomiyaha haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka ayaa baaq udiray haayadaha caalamiga iyo kuwa islaamiga ah kaasi oo uu ka dalbaday in ay waxyaabaha aas aasiga ah ee dadkani ubaahan yihiin in ay fuliyaan

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version