WAJAALE NEWS

Masraxiyaddii Xildhibaan Dhakool! W/Q;Maxamed Haaruun.

1; Xildhibaan Dhakool baa si beelaysan u hadlay, oo 18 May duray, dadka qaarkii ayaana si beelaysan uga xanaaqay.

2; Xildhibaankii si aan sharci ku fadhiyin, oo beelaysan baa loo xidhay, xadhigii na jid baa loo waayay.

3; Maxkamadihii ayaa sheegay in aanay dacwad ku oogi Karin Xildhibaan aan xasaanaddii xildhibaanimo baarlamaanku ka qaadin sida sharcigu dhigaayo, Baarlamaanku na iyaka oo isku duuban ayay sheegeen in xadhiga ninkaasi sharci darro yahay, cidi se ma maqlin labadaba.

4; Xukuumadda Somaliland jid ay ku sii hayso oo sharci ah waa wayday, in ay qaladka dhacay qirato, oo raali gelin bixiso na waa ku dhici wayday, ilayn xukuumaduhu ma qaldamaan sida ay iyaka la tahay.

5; Ka dib maxay sameeyeen ilayn xaal waa isku jiqqe? Qalad kii hore kaba qaro wayn ayay ku sii dhaceen, lakiin iyaka qiyaastii xariifnimo ugu muuqda. Xildhibaanka niman inoo sheegay in ay reerkiisa ka mid yihiin baa laga hadliyay, si beelaysan ayayna xaal uga bixiyeen qalad ay sheegeen in Xildhibaanku galay.

6; Gudoomiye Saleebaan-gaal oo Guurtida shirkooda furay, ayaa si rasmi ah golahaas uga hor sheegay in Dhakool reerkiisu raali gelin bixiyeen, ma se sheegin cidda raali gelinta la siiyay reerka ay ahayd, iyo raali gelinta beeluhu sharciga in ay meel ku leedahay, amaba qof xabsi ku jira dambi ka tirtiri karto.

Maalintii xigtay hadalka Saleebaan, ninkii Dhakool ahaa waa la sii daayay, sababta oo ah reerkooda ayaa raali gelin bixiyay. Eeshcalaa dawlad.

Eeg, dawlad waxa u furan in ay cid xidhi karto, cid xoolahooda ka qaadi karto,xataa cid dili karto, laakiin intaas ba waa in ay u raacdo jid shahrci. Hadii taas la waayo, oo waxyaabahhaas qarkood amaba dhamaantood ay dawladi ku kacdo, sharciga na gees la iska dhigo, magaccii dawladnimadu meesha waa ka baxayaa. Tusaale ahaan, Lacagta ay dawladdu dadka kaga qaaddo awoodda dawladnimo ee laakiin sharciga waafaqsan, xataa qofku isaga oo aan jeclayn in uu bixiyo, waa cashuur amaba ganaax, hadii se ay sharci darro tahay waa boob ama baad. Dilka ay dawladdu fuliso ee sharciga ahi waa dil ciqaab ah, hadii kale na, waa dil budhcadnimo. Xadhiga dawladda ee sharciga ahi waa xidhitaan amaba xabis dawladeed, hadii kale na waa afduub.

Si kastaba, dadka wax uun dawladnimada ka ffahamsan, ee qaba wixii ay dawladi ku kacdaa in uu jid sharci uun ku fadiyo, qawl iyo ficil ba, tani waxa ay u tahay maalin madaw. Dhakool afduubkii waa laga sii daayay, laakiin sharciga ayaa la afduubay, oo lagu tuntay, mana aha kolkii u horaysay. Dad kale oo tiro badan, oo aan sharci ku xidhnayn ayaa xabsiyada ku jira. Hadii in reer uu xaal bixiyaa ay tahay jid cusub oo maamulku kaga baxsado waji-gabax, waxa aan soo jeedinayaa in ay dadka xidhan beelahoodu xaal iyo xaalal ba bixiyaan. Waxa cad ku dhaqanka sharcigu inuu nagu adagyahay. Aan eegno waxa ay dhasho.

QALINKII; MAXAMED HAARUUN.

Exit mobile version