WAJAALE NEWS

Soomaalidu ninka ay Adhiga Kala Quusato Ayay Geela U Dirtaa,Siinaanyo-na Wuxuu Ergadii Gawsa-weyne Ku Daray Wasiir …

Soomaalidu ninka ay Adhiga Kala Quusato Ayay Geela U Dirtaa,Siinaanyo-na Wuxuu Ergadii Gawsa-weyne Ku Daray Wasiir Madaarkii Uu Malaayiinka Doolar Ku Qaatay Loo La’yahay Dayaarada Fadhiista.

 

Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda taladu kuguma noola ee adigaa ku nool, mid kalena waxay tidhaahdaa taladu waa mar aad garan waydo iyo mar aad gaadhi waydo.marka hore waxaan ugu baaqayaa labada beelood ee walaalalaha ah ee ay dhibaatadu kala gaadhay oo ah dad isku deegaan ah oo an meel kala tegayn oo ah inan iyo abtigii inay ilaawaan wixii dhacay oo uu caqligu shaqeeyo,oo dantoodu waxay ku jirtaa nabadgalyada ,inay ilaaliyaan.

 

Waxaana jirta maah maah soomaaliyeed oo tidhaahda hiirtaanyo xasuustaa walaal ma xidhiidhsho.oo naf go’day soo noqon meysee inta nool ha loo taliyo oo dibha loogu soo noqdo dhaqankii soomalida ee ahaa in sacaadaa la joogo wixii ay dani ku jirto la yeelo oo in hore looga socdo maayaane aan dib loo noqon.

 

Arintaa marka aan halkaa kaga gudbo waxay inoo ahaan jirtay dhaqan soo jireenah marka ah dhibatadan oo kale dhacdo in loo gurmado hadii ay tahay dhadaxda  dhaqanka ,aqoon yahanka ,suugaan yahanka ,siyaasiyiinta,ganacsatada ,golaha xukuumada iyo golayaasha kale ee qarankuba waxa se is weydiin u baahan marka uu ergada ka mid yahay wasiir dayacay ama si gaar ah ugu tagri falay xilkii uu umada Somaliland u yahay ee loo magcaabay wuxuu ka soo kordhin kraaa masuuliyad kale oo la sooro  oo tii hore ka weyn isagoo aan tii hore meel ku tiirin.

 

Akhristwo marka ay taasi dhacdana sow xasuusan maysid maah maahdii soomaaliyeedee ahayd Soomaalidu ninka ay Adhiga Kala Quusato Ayay Geela u dirtaa . wasiirka duulista hawaduna miyaanu la mid ahayn ninkii loogu maah maahay maah maahdaasi aynu soo sheegnay.

 

Hadaba marka aad aragto garoonka dayuuradaha hargeysa oo xidhnaa mudo laba sanno ku dhaw iyada oo mudadaasina umada lgu maaweelin jiray in lacagtii 13,000,000$ ahayd  ee ay dalwada kuweyd bixisay lagu dheeraynayo ama lagu kordhinayo ranweyga madaarka hargeysa si ay dayuuradaha waaweyn ee jet-ku u soo fadhiisan karaan, guntii iyo gunaanadkiina 17/08/2013-ka ayuu wasiirka duulista hawadu maqas u dhiibay madaxweyne siilaanyo oo uu ku yidhi waxaad tidhaahdaa madaarku wuu furan yahay, anaguna aanu sacabka kuu tuno , madaxweyne siilaanyona sidii ayuu yeelay.

 

Hadaba saaxiibayaal mudadii uu madaarku xidhaa laguma darin oo laguma kordhin xataa hal mitir oo kaliya madaarka ,masuuliyiinta iyo bayloodyada shirkadaha waaeyne ee dayuuradaha jet-kuna sahamintii ay ku sameeyeen madaarka hargeysa waxay soo saareen in dayuuradahoodu aysan ku degi Karin kana duuli Karin madaarka hargeysa ,hadii aan ranweyga madaarka lagu darin ugu yaraan lix boqol oo kiiloo mitir.

 

Arinanina waxay waxba kama jiraan ka dhigaysaa hadalkii iyo xadhig ka jarasitii madaxweyne siilaanyo ee ahaa in ay dayuuradaha waaweyne soo fadhiisan karaa madaarka hargeysa ,hadaba saaxiibayaal siilaanyo xagee buu uga gudbayaamaah maahdii soomaliyeed ee ahayd nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed ay qolafi ka dhacday . dhinaca kale hadii aynu iska taagnana sow siilaanyo ugumahoreeyo madaxweyne uu maqas u dhiibay wasiir uu isagu magacaabay oo wiixi uu yidhi umada u sheegna saacado ka dib la waayay soomaaliduna ninka weyn ee aan wax iska shaandheyn waxay ugu maah maahdaa waayeel dhaga dhuguli isagaa u dhinta.wasiirka duulista hawadu waxan uu wado iyo ergada uu gowsa-weyne u raacay waa raad gadasho  ,hadaba siilaanyo ha la xisaabtamo ama umada ha u sheego in uu xaalku yahay Bahgari ma xugoowdo.

 

Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur
Tel: 4425243
Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Exit mobile version