WAJAALE NEWS

“Haddii Uu Qarxo Dagaal USA Iyo Iran Ma Saameyn Karaa Soomaaliya? Yusuf Garaad,

HARGAYSA(W,N)- Saxafi Ex wasiirkii hore ee arimada somaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay saamaynta uu soomaliya ku yeelan karo hadii uu qarxo dagaal udhexeeya Maraykanka Iyo Iraan kaasi oo uu sheegay in dhinac kasta somaliya saamayno iyadoo aanay jirin qorshe somaliya ka leedahay arintaasi

Yuusuf Garaad ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebook wuxuna  udhignaa Sidan;

“Haddii Uu qarxo dagaal USA iyo Iran ma saameyn karaa Soomaaliya?

Shidaalka dunida oo soo saarkiisa iyo suuqgeyntiisuba is dhimi karaan sicirkiisu ilaa heerkee kor u kici doonaa?

 

Dekedda Dubai oo meelaha qaar Iran u jirta 100 km (qiyaastii waa Marka iyo Muqdisho) oo bad ah haddii dagaalku saameeyo maxaa ku dhici kara badeecadaha nooga yimaada?

Ma jiraa qorshe Dowladeed iyo mid ganacsato? Waa haddii uun uu qarxo dagaal.

Waa iga su’aal xusuusin ah.

YUUSUF GARAAD CUMAR.

Exit mobile version