Waxa habeenimadii 26kii June Jamhuuriyadda Somaliland looga debaal-degay 59 Guuradii ka soo wareegtay, markii Somaliland ay iska tuurtay heeryadii isticmaarkii Ingiriiska, oo ay Hargeysi noqotay magaaladii ugu horreysay ee calan xor ah oo Soomaali leedahay laga taagay 26kii June 1960kii, isla markaana la dejiyey calankii boqortooyada Ingiriiska oo ka taagnaa muddo ku siman 83 Sannadood.
Shacabka Somaliland waxa xamaasadoodu taagan tahay xilligan, si ka duwan sidii ay aheyd 59 sannadood ka hor, waxaanay casharro ka barteen hungadii iyo hagar-daamadii ay kala kulmeen xornimadoodii ay kula midoobeen Soomaalidii Koonfurta ee uu xukumi jiray Talyaanigu.
Munaasibad aad loo soo agaasimay oo ka qabsoontay Xarunta madaxtooyadda ee Hargeysa, waxa u dhammaa muxaafid iyo mudaaridba waxaanay muujisay sida Somaliland ay ugu middaysan yihiin dib ula soo noqoshada Madax-bannaanideeda oo haatan laga joogo muddo 28 Sannadood ah oo ay ku naaloonayaan qaranimo raasamaal ah oo aan beesha caalamku waxba ku darsan.
Ra’yul-caamka bulshada Somaliland ayaa goobaha barkulanka kaga hadlayey xaflad Dawladda aan iskeed isku taagi karin ee Soomaaliya ay ku xustay munaasibada 26ka June oo lagu qabtay Villa Soomaaliya, taasi oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid “afka baarkiisa ah” oo aan wax samo ah soo kordhinaynin maadaama 31kii sannadood ee ay Somaliland ka mid aheyd Soomaaliya ay kaga xumeyd 83kii sannadood ee ay ku hoos jireen gacantii gumaystaha.
Madaxweynaha SomalIland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay jar iska xoornimadda madaxda siyaasadda ku layliga ah ee dawladda qaadhaan ku noosha ah ee Muqdisho, kuwaasi oo qabatimay inay taariikhda been sheegaan, waxaannu yidhi; “Qolada Koonfur Madaxweyneyaashooda, Baarlamaankooda iyo Shicibkooda haddaad waydiiso bal horta Magacayga maxaa la yidhaahdaa, ma ahayn laba Dawladood oo isku yimid Lixdankii, Nin qudha Afkiisa soo mari mayso, markaa maxaynu ku wada-hadlaynaa?” waxaanu intaa ku daray “Nin ku leh Magacaaga ma aqaano Afkaad ku wada-hadlaysaan muxuu noqonayaa.”
Madaxweyne Biixi waxa kaloo uu ka taariikheeyey munaasibadda 26ka June iyo halganka qadhaadh ee ay Somaliland dib ugula soo noqotay madax-bannaanideedii fiiro la’aanta kaga dhacday godka madow. Waxa madaxweynuhu Ilaahay uga mahadceliyey in shacbiga Somaliland ku guuleysteen inay dib u saxaan khaladkii ay ka galeen gobanimadoodii ay hadyadda u bixiyeen.
Madaxweyne Farmaajo oo sas iyo cabsi la anfariiraray ilbidhiqsiyo ka mid ah saacadihii uu fadhiyey xafladaas markii dhegihiisu moodeen qarax rash loo ridayey xafladaas, waxaanu u hadlay qaab uu naxli cusub ku gashanayo shacabka iyo Dawladda Somaliland, maadaama uu ku tiraabay inuu wax walba u hurayo inuu Somaliland ku soo noqoto Midowgii, taasi oo ah mid uu ku dheel-dheelayo aayo ka tashiga ummadda reer Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu u muuqday sidii qof ajanabi ah oo hadalka jajabinaya markii uu tirinayey tudducyo ku jiray Gabaygii Cabdilaahi Suldaan Timacadde ka jeediyey munaasibadii calansaarka ee 26kii June 1960kii, taasina sababtay in madaxtooyada Somaliland ka jawaabto laabla-kaca Farmaajo.
Waxa madaxweyne Farmaajo uga baahan inuu isku hayo Soomaaliya oo u sii kala jajabtay shan maamul goboleed oo aanay waxba ka dhexaynin iyo inuu ugu yaraan awood u yeesho ammaanka aqalka Villa Soomaaliya oo ciidammo shisheeye ku ilaaliyaan oo ka dhigtay naxdin la nool sas iyo beyr leh.
Farmaajo taariikhda uu difirayo ee reer Somaliland waxaa igaga filan bandhig faneedkii ay Fanaaniinta Qaranku ku soo bandhigeen madaxtooyada Somaliland habeenkaas oo hal-ku-dhigiisu ahaa “Juuneey Xaal Qaado. ” oo uu alifay Abwaanka Maxamed Cabdi Wabax oo ah oo oo sawir ka bixinaysay ficilada Farmaajo oo indhuhu u dilaaceen xiligii uu Soomaaliya majaraha u hayey Kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Barre oo hiigsi iyo halbeeg uu ku daydo u ah.
Qalinkii: Cumar Maxamed Faarax