WAJAALE NEWS

Wadaniga Dhabta ah Allow Dhawr;Qalinkii Cabdiqaadir Cabdillaahi Caydiid.

Maqaalkan, waxaan taageero ugu fidinayaa Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo caddeeyey sida ay uga go’an tahay in la qabto diiwaangelinta Madiniga ah, taasina ay tusaalle fiican u tahay muwaadinimadda dhabta ah ee cidka kasta oo dalkan u dhalatay ay si weyn ugu hanqal-taagayaan sidii loogu hirgelin lahaa kaadhka muwaadinimadda dalka Somaliland, taasoo ah caddaynta inaga soocaysa dadyowga kale ee adduun weynaha iyo tixgelinta uu leeyahay kaadhka muwaadinimadu.

Sidaa daraadeed, Xildhibaan Bashiir oo ah xildhibaanka kaliya ee mucaaradka ah ee dhalliilo wax-ku-ool ah u jeediya Dawladda, qofkasta oo muwaadin ah wuxuu xaq u leeyahay inuu wixii dhalliilo ah ama gol-daloolooyin ah uu u jeedin karo Xukuumadda, balse marakay noqoto arrin Qaran, waxa la gudboon inuu barbar istaago dawladda, Xildhibaan Bashiir taageeradda uu ku tallaabsaday ee uu Dawladda ku garab istaagay qorshaha diiwaangelinta Muwaadinkuna waa mid aan si weyn ugu hambalyeynayo sida uu uga gilgishay arrimaha lama-taabtaanka ah ee qadiyadda iyo midnimadda Somaliland-na wax u geysanaya.

Si kastaba ha ahaatee, arrinta diiwaangelinta muwaadinku waxay la mid tahay wakhtigii dib ula soo noqoshadii Somaliland ee 18-ka May 1991, kadib markaynu ka soo goosanay wixii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Dimuqraadiga ee Soomaaliya, markaa waxaan leeyahay hawshan diiwaangelintu waa mid aynu summad ugu samaynayno astaantii lagu kala saari lahaa shacabkeena Somaliland iyo Somaliya iyo dhammaan dalalka Jaarka iyo kuwa adduun weynahaba.

Haddaba, waxa haboon in mucaarad iyo muxaafidba la barbar istaago diiwaangelinta madaniga ah, waana mabda’a Qaran, mucaaradkuna ha oggaadaan in uu u baahan yahay dhalasho uu ku sheegto inuu dalkan u dhashay, iyaddoo aanay waxa jawaab ah u hayn haddii la waydiiyo inay la yimaadaan kaadhka caddaynaya muwaadinimadda, ilayn waa ka sheeganaya inuu yahay Xisbi Mucaarid’e.

Ugu dambayn, waxaan qoraalkaygan ku soo gebogabaynayaa, Wadaniga Dhabta ah Allow Dhawr.

 

Cabdiqaadir Cabdillaahi Caydiid.

Exit mobile version