WAJAALE NEWS

Al-Shabaab oo Dilay Nin Ay Sheegeen In Uu Isla Guursaday Hooyo iyo Gabadh Ay Dhashay

Muqdisho (WJN) – Malayshiyada Al Shabaab ayaa dishay nin da’da toddobaatameeyada ku jira oo ku sugan Koonfurta dalka Soomaaliya iyaga oo ku eedeeyay in uu isla guursaday hooyo iyo gabadh ay dhashay, sida uu ku warramay wargeyska Al Shabaab lal xidhiidhiyo ee Memo.

Ninkan oo 75 jir ah ayaa 27 Junne lagu dilay tuulada Toorotoorow ee Shabeellaha Hoose. Wuu diiday in uu hooyo iyo gabadheeda isla guursaday.

Ninka ayaa lagu eedeeyay in uu la dhuuntay gabadha oo uu guursaday iyadoo aanu meherin.

Al Shabaab ayaa marar kala duwan dilay dad ay ku eedeeyeen in ay galeen dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin sino, dumar mehersan oo niman kale guursaday iyo basaasnimo.

Sagaalkii Bishii May ee sannadkii 2018 Al Shabaab ayaa dhagax ku dilay haweenay ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay niman guursatay iyadoo meher ku xidhan yahay.

Tooratoorow waxay ka mid tahay tuulooyinka ay ka taliyaan ciidammada Al Shabaab.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version