“Waxyaabaha Laga Baran Karo Ama Lagaga Dayan Karo Xaaji Cabdi Waraabe Iyo Dhacdooyin Kooban Oo Aan ka Xusi Doono”
.Xaaji Cabdi Waraabe wuxuu ahaa mar la arag taariikhda Soomaalidda mar soo maray oo ay adag tahay cid u dhiganta ama buuxin karta astaamihii uu dadka kale kaga duwanaa oo ahayd garashadiisii, dulqaadkiisii iyo ka fikirka meel fog oo aanay marka u muuqanin dadkii uu la nool yahay.
Dad badan oo markaas ka soo horjeestay oo u arkayey mid khaldan waxay maanta qirayaan inuu ka saxsanaa oo uu ahaa fogaan arag wuxuu arkayo aanay markaasi arkeen,
hogaamiyaha wanaagsan waxyaalaha uu marka samaynayo iyo go’aamada uu qaadaya dadka ag jooga waxay u arkaan wax khaldan iyo qar iska tuurnimo waxayse u aayaan waa dambe.
Xaaji Cabdi waxa uu ahaa maktabad nool, wuxuu hayey boqolki sano ee uu jiray wixii taariikh dhacay iyo boqol sanno oo looga sheekeeyey wixii dhacay iyo dunidu siday u eekeyd laba boqol oo sanno.
Sababta uu xaajigu dadka kaga duwanaa waa intaa waana ta keentay in mar walba loo xulo dadka damiya dagaalada beelaha ee mar kasta ka dhaca Somaliland, waxaanu adeegsan jirey marka uu dagaaladda ama khilaafyada xalinayo wuxuu soo qaadan jirey qisooyin dadka dagaalamaya u caqli celinaya iyo sheekooyin hore u dhacay oo tan oo kale u eeg si wax loogu qaato .
Xaajigu wuxuu isku darsaday aftahan, taariikhyahan iyo suugaan dhaadhi, waxay taariikhdiisa nabadeyntu ka bilaabantaa tii naftiisa markii uu saamaxay kii Aaabihii dilay oo waliba labadii qoys ka dhigay dad isku ehel ah oo walaalo ah oo xigto iyo gacal wadaaga.
Xaaji Cabdi wuxuu dadka kale kaga duwanaa wuxuu mar walba runta u sheegi jirey dadkiisa gar iyo gardaraba waligii eex iyo tolnimo kuma raaciin reerkiisa oo gardaran.
Wuu necbaa muranka, dagaalka iyo amni daradda, wuxuu jeclaa dawladnimada iyo in gudaha laga saxo wixii khaldan madaama oo uu isagu fursad u helayo inuu madaxda si fudud ula kulmo wixii jara kama qarin jirin, waana sababta keentay in madaxdii soo martay soomaaliya ka hor inta aanay burburin uu mid walba Hargeysa ku soo dhoweeyo oo uu la saaxiibo.
Cabdirisaaaq Xaaji Xuseen oo dadka reer Somaliland u arki jirey inuu necbaa waqooyiga ayuu isagu la saaxiib ahaa, haseyeeshee waxay kala hadheen markii uu ka hor yimid madaxweynihii Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Cabdirisaq isku deegaan ahaayeen.
Cabdirisaaq ayaa ka xumaaday inuu ka eexday xaajigu, waxaanu madal uu soo diyaarsaday la garnaqsaday xaaji Cabdi Waraabe, haseyeeshee waxa gartii ka helay Xaaji Cabdikariin, waxaanay doodu ku bilaabantay.
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxu yidhi “ Xaaji Cabdi Waraabe saaxiib baanu ahayn oo dadkii Hargeysa igu soo dhoweyn jirey buu ahaa, haseyeeshee imika wuxuu iga raacay Cabdirashiid CalI Sharmarke”.
Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu ku dooday “ Cabdirisaaq saaxiib maanu ahayn ee waanu is naqaanay, waxaana taas cadeyn u ah dabeecadayda muu aqoon, hadii aanu saaxiib nahay dabcigayga ayuu baran lahaa, waar anigu qofka lama saaxiib ahi ee dawladnimada la saaxiib ahay oo kolba ka yimaada ayaan la shaqeeyaa oo adiga waan kula shaqeeyey, isna imika la shaqaynaya, laakin waxaan adiga kala hadhnay habeenkii aad u hanjabaysay madaxweynaha ee aad lahayd gaadhi aan xabadu Karin baad la soo degtee walaahi way kari ee aad hanjabaysay, anigu nin dagaal iyo fidmo taageero ma ihi, adiguna xabad baad ku goodiyeysay, maalintaas baynu kala hadhnay.”.
Intii hore Maxamed Siyaad Bare wuu la socday wuxuu doonayey inuu gudaha ka saxo, waxaanu tolkii u arkayey inay khaldan yihiin, haseyeeshee markii talooyinkiisii la qaadan waayey arrimuhu sii murgeen ayey qasab ku noqotay inuu ka hor yimaado, ninka nabadda waxa ka tara ayaa dagaalkana wax ka tara, waxaanu ku guulaystay inuu meesha ka saaro nidaamkii kalitaliyaha Siyaad Bare.
Sidoo kale, markii tolkii iyo madaxweyne Cigaal is qabteen waxa uu khalad u arkay in xoog la isku muquuniyo, waxaanu tolkii u sheegay inay khalad tahay in dawladaasi cusub laga hor yimaado, ilaa ay markii dambe tolkii ku raaceen oo ay arkeen inuu saxsan yahay xaajigu.
Madaxweyne Cigaal wuxuu usoo jeediyey inuu suldaan noqdo, haseyeesehe xaajigu wuu diiday wuxuuna sheegay hadii uu suldaan noqdo inuu deegaan kaliya ku koobnaanayo, balse imika uu ka balaadhan yahay, garashadaasi dheeri waxay keentay in marar badan dadkii uu wax la rabay la garan waayaan, waxaanu ku suntanaa ninka ugu il dheer baa ugu ayaan daran.
la soco qaybo kale.
QALINKII; Barkhad-ladiif Mohamed Omar.