Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa lagu doortay doorashadii Somaliland ka dhacday 13 Nov 2017, waxaana uu xilka madaxweyne la wareegay 14 Dec 2017 oo maanta laga joogo 142 maalmood.
Mudo xileedka madaxweynuhu waa 5 sano x 12 bilood oo u dhiganta 60 bilood ama 1825 maalmood, hada waxa uu xilka hayaa 5 bilood oo maalmo dhiman..
Waxa aan isleeyahay ama ay tahayba wax kow la yidhi in ay bariba dhamaanayso oo durba waxa u hadhsan 4 sano iyo 7 bilood oo kaliya wax la taaban karo oo qabsoomeyna ma arko.
Xaqiiqadu waxa ay tahay in aan wax sidaa u weyni isbadelayn marka aad aragto sida uu wakhtigu u ordayo iyo hawlaha socda ama waxyaabaha ay dawladu gacanta ku hayso wakhti la joogo.
Hadiiba maanta la isku qiyaaso barnaamijkii siyaasadeed ee ay dadka u soo bandhigeen ee Laguba doortay iyo wakhtiga ka tagay mala odhan karaa 3% ayaa u qabsoomay ilaa hadda ilama aha aniga in wax uga qabsoomeen laakiin waa suuragal in ay wadaan ilaa hadda sidii wax uuni uga qabsoomi lahaayeen.
Ujeedadaydu waxa ay tahay hadii 10 qodob oo aan u arkey in ay muhiim inoo yihiin oo kaliya uu ku guuleysto mudadaa 5 sano ah wax weyn baaba u qabsoomay.
1- Doorashooyinka Somaliland oo uu ka dhigo qaar leh xili go’an oo ay dhacaan ( mandate ) la iskuna ururiyo wakhtigooda oo intii israaci kartaba mar lawada qabto si aynu uga badbaadno mudo kordhino dambe iyo murano wakhti doorasheed dambe.
2- Ka shaqeysiinta shuruucda dalka intii sameysan intii kalena uu dabada ka riixo sidii loo sameyn lahaa, shuruucda waxii wax ka badel iyo kaabid u baahana lagu sameeyo iyada oo laga dheeraanayo in dana siyaasiya looga faaiideysto, waayo shuruucdu waa waxa kala haga umada ee loo maro horumar sees adag leh, dhaqan galintooda iyo dabaqaadoodana la isku adkeeyo 100% in la hirgaliyo.
3- ku soo celinta gacanta dawlada waxyaabihii ay maamuulaysay iyo dardar galintooda, sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, Nalka adeegyadii kale ee ay dawladu qaban jirtey ee ay la wareegeen ganacsato iyo dad private ahi iyada oo aan dawladu awood iyo aqoon midna u waayin, waxa ayaan daro inagu ah in dalkeenu gacanta u galo inta lacagta haysata oo aynu dabaqado kala sareeya noqono, waa in ay dawladu awoodaa in ay iyadu maamusho ganacsatada oo xataa hadii ay ku soo adkadaan ay dalka keeni kartaa shidaal raashin dawooyin iyo waxkasta oo dadku u baahan yihiin oo weliba tayadooda la hubiyey.
4- Dhiirigalinta maalgashiga shisheeyaha iyo ka gudahaba shuruucdii fududeynaysayna la sameeyo waayo waxa aynu haysanaa dal dihin oo ku yaal bugcad istrategic ah oo loo wada baahan yahay, inaguna aynu uga faaiideyno da’yarteena shaqo abuurkaa halkaa ka sameysma oo ay shaqooyin ka helaan.
5- In madaxweynuhu mudada uu joogo inaga hagaajiyo tirada iyo tayada hay’adaha dawlada oo weliba sharciyad adag na loo wada sameeyo sida ay isku qaadan karaana aad looga fikiro, si aynu uga raysano xukumad marna la fidiyo marna la koobo, madaxweyne kasta oo yimaadaana uu intaas uun soo buuxiyo marka uu kursiga fadhiisto.
6- In uu ku dedaalo daryeelka iyo tayeynta shaqaalaha iyo ciidamada oo la sii horumariyo manfac iyo maamuusna la gaadhsiiyo meesha ugu sareysa si haybadii shaqada qaranku usoo noqoto, shaqo la qabtona ta dawladu ugu qiimo badato.
7- in uu xooga saaro ka shaqeysiinta Baanka dhexe ee Somaliland iyo wasaarada ganacsiga dalka, Si uu baanku ula wareego awooda maamul ee sarifka iyo lacagta oo uu isagu maamulo dhaqdhaqaaqa suuqa, hadii lagu guuleysto waxa laga soo kaban karaa qiimo dhaca shilinka Somaliland oo maanta 6 noodh oo ka mid ahi qiimo beeleen, waxaana xal loo heli doonaa in dalkeenu noqdo mid ay badeecadihiisa ganacsi fadhiyaan sida dalalka aduunka, muhiimada ugu weynina waa in dalkeenu noqdo mid lacagteena oo kaliya wax lagu kala iibsado lacagaha kale oo dhan uu qofku sarifto marka uu rabo in uu isticmaalo, sarifleyaal ruqsad ka heysta baanka dhexe iyo baanka laftiisa ayuun baa sarifi lahaa lacagaha qalaad. Furista iyo casriyeynta noocyada baananka dawladu leedahay si wax loo dhigto oo loo aamino, dawladuna culeys ku saarto Hay’adaha iyo kuwa qaadhaanada Ina siiyaa in ay isticmaalaan oo lacagaha ku soo shubtaan baanka Somaliland.
8- In la daadejiyo maamulka iyo adeegyada dawlada oo ay qofwalba halkiisa ku gaadhaan si uu inooga yaraado waxan loo yaqaan magaalo ku soo ururka ( Urbanisation ) oo inaga wiiqaya ama baabiinaya waxyaabihii ay nolosheenu ku tiirsaneyd sida Xoolihii iyo Beerihii oo kale.
9- in uu qorshe cad oo 5 sanadood le ah loo sameeyo siyaasadeena Arimaha dibeda iyo ictiraaf raadinta ee heehaabaysa oo aynu yeelato yool iyo hiigsiga mudadaa aynu sameysanay la rabo in la gaadho oo dhaqaaleheegana loo qorsheeyo, si madaxda dambe ee timaadaa ay u helaan meel ay wax ka sii amba qaadaan, waa lagu kala duwanaan karaa dariiqyada loo marayo aqoonsiga laakiin qorshaha guud ee qaranku waa mid oo waa in dalku helo aqoonsi caalamiya.
10- In uu madaxweynuhu xooga saaro sidii uu awood ugu yeeli lahaa hay’adaha ilaalinta hantida umada iyo waxii xidhiidh la leh xisaabtanka iyo maamul wanaaga si ay u soo noqoto is aaminka dawlada iyo dadku ama ay usii xoogeysataba.
Waxaana aan weliba kula talin lahaa madaxweynaha in uu 6bilood ba mar xukuumadiisa iyo qorsheyaasheeda xisaabiyo oo uu Shanta sano 10 kulan xisaabtan iyo isku daba joog shaqo qaran ayey noqonayaane sameysto si uu hore ugu socdo dalku.
Aragtidii iyo Ra’yigii
Muhamed Dhimbiil