Marka hore waxaan salaamayaa bahda hadhwanaagnews ee had iyo jeer
dadweynaha usoo deysa aragtida iyo cabirka fikirdaha kala duwan,
hadaan intaa ku dhaafo waxa aan Maqaalkeygan kaga hadlayaa ninka
layidhaa Boqor Buurmadow oo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ku
sheegaan Been madow waxa aan xasuustaa oo aan maskaxdeyda ka bixin
hadalo deelqaaf oo uu ku weerarey ninkaasi Siyaasiga Cali Gurey kaas
oo ahaa mid ka aradan oo ay ka maqan tahay milgaha iyo dhaqanka qof
sheeganaya Magaca madaxdhaqameed taas, oo aad ku ogaan karto in
dhaqanka hogaamintiisu tahay hido la iska dhaxlo oo ka awoow ka awoow
lagu abtirsado, waxaad moodaa ninkan la baxay Buurmadow in bilowga
taariikhdiisu madoobayd, intii aan la baran iyo markii la maqleyba
waayo marka dib loo raaco raadadkiisa xunxun ee sumada Taariikhdiisa
waxa cad in ninkani lagu maqley markii ay isaga iyo koox kale
afduubeen Nin weyn oo oday ah oo Gancasade ah(Juujuule) taasi waa
markhaatiga cadeynaya inuu markii hore ahaa budhacd ama tuugo aan la
aqoon haseyeeshee, waxa igaga filan in aan halkaa kaga hadho odhaahdii
Mujaahid Cali Gurey ugu jawaabay ee aheyd Jaajuuska is jaajuusa taas
oo mahadho ku ah marka dhinac walba laga rogo sooyaalka noloshiisa bal
xasuuso akhristow wixii uu ku maagay Mujaahid Cali Gurey, Salaadiinta
Gobolka Awdal iyo Madaxdhaqameedkooda,Jamaal Cali Xuseen, Reer Gabiley
iyo dilkii Qorilugud waa ayaamo is daba socda oo aan raadkoodu
qarsoomin marka uu hadana Samaale ku maagayo Rayaaluu aflagaadeeyay
isagoo Madaxweynaha la jooga aleylehe makaasaan is jaajuuseyn kolay
Samaale laaluushbuu ku dilayaa ee waa rag is aqoon bay ila tahay
halkaaba aan kaga hadho.
Axmed Cabdi Habane
Boorame Somaliland
habane13_09f@gmail.com