HARGAYSA()-Wasiirka Wasaarada Gaadiid iyo jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan Ayaa xubno ay isku jufo yihiin siiyay qandaraasyo sharciga baal marsan kuwaasi oo gabi ahaanba aan la marin sifaha sharciga ah iyo gudida qandaraasyada qaranka,
Wararka laga helayo qandaraasyada sharci darada ee wasiir cabdilaahi abokor bixiyay ayaa ah shaqada dhismaha wadada berbera corridor laga qabanayo
Arintan oo mid mudooyinkii ugu danbeeyay hadal-haynteedu ku badnayd shacabka somaliland islamarkaana qaarkood uu wasiirku siiyay xubno kamida masuuliyiinta xukuumada iyo xildhibaano katirsan golaha deegaanka degmada berbera
Wasiir cabdilaahi abokor ayaa midkamida qandaraasyada naasnujinta ah wuxu siiyay shirkad lag magacaabo Jufa Nuur oo ay leedahay xubin katirsan gudida xuquul iisaanka marwo Rooda Axmedyaasiin taasi oo ah hagaajinta jidadka berbera corridor iyadoo
Sida ay tibaaxeen xogahani wuxu shirkada Jufa Nuura lagu siisay dhaqaale kor udhaafaya 200000$ kun oo dollar kaasi oo aan loo marin sifo sharciya,
Qandaraasyada naas-nuujinta ee wasiir cabdilaahi abokor uu siiyay xubnaha ay isku qoyska yihiin ayaa ah kuwo tiro badan iyadoo shaqada sida ay xoguhu sheegayaan ay ka hawlgalaan gaadiid uu wasiirku gaar uleeyahay sida iska gorooyinka iyo gaadiid kale
Dhanka kale wasiir cabdilaahi abokor ayaa mashaariic noocan oo kale gaar uqaatay iyadoo ay dhamaan mashaariicdaasi ay ka socdaan magaalada berbera iyo inta udhaxaysa magaalada hargaysa
Sidoo kale wasiir cabdilaahi ayaa qaybka ah Shirkada dhisaysa Madaarka Berbera oo lasiiyay shirkad lagu magacabo Naahir shamis oo uu leeyahay nin maal qabeena oo u dhashay Imaaraadka iyo dad xukuumada muuse Biixi Gacansaar dhaw la leh oo mashaariicda lagu naasnujiyo.
Dhaqanada noocan iyo boobka qandaraasyada qaranku ay Ahayd in ay si cadaalada Ugu tartamaan shirkada reer somaliland ayaa waxaa awood masuulliyadeed ku lunsaday wasiirka gaadiidka iyo jidadka Somaliland.
Xukuumadu u gadhwadeenka ka yahay madaxwayne muuse biixi ayaa tiraba dhowr jeer fagaarayaasha ka sheegay in qandaraasyada qaranka ay bixin doonta sifo sharciga waafaqsan islamarkaana si cadaaladda ay ugu tartamiayaan shirkadaha iyo cidkasta oo ay khusayso shaqada loo baahan yahay in a qabto
Balse waxaa hadalada uu madaxwayne biixi bulshada ucadeeyay si ka duwan ugu tagri falay wasiir cabdilaahi abokor oo kamida golaha wasiirada madaxwayne muuse biixi.
Lasoco Qaybo kale oo banaanka keenaya Qandaraasyo Wasiir Cabdilaahi Abokor hab sharciga baalmarsan umaamushay iyo Lacago Xad dhaaf oo uu dalka kala baxay iyo halka uu wasiirku Ku Sugan yahay Wakhtiga iyo sobobta uu u tagay Hindiya,
WAJAALENEWS DESK
HARGEYSA OFFICE
WAJAALE STAFF
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM