WAJAALE NEWS

Ma Didee Hargoolow Haygu Tumin Durbaanada Iyo Daasadaha Madhan!Mustafe Shiine.

Qaranka Somaliland maaha quraarad ay wax yeeli karaan afraad diiday nidaamka maanta jira ama kuwo laabta ka jecel inuu wiiqmo.

Nasiibdarada ugu weyn ee maanta jirtaa ayaa ah in ay suurtogal noqotay in ay kacaamaan dhalin yaro haaraamaya qarankan la wada ogyahay wixii loo soo maray, kadib marka ay hore u arki waayaan fursad ay sheeda ka hilaadinayeen.

Shaqsiyan lama dhacsani qaabka uu dalka u maamulaayo madaxweynaha haatan talada dalka haya, waxaanan jecelahay inuu ka wanaagsanaado sida uu ku bilaabay dhaqaaqii ugu horeeyay ee uu isteerinka inoo qabtay, kaasi oo abuuray niday jab iyo kala shaki badan oo ku yimid dadkii ay ahayd inuu geediga guri barwaaqo ku wada hubsado, haseyeeshee taasi marnaba kuma beeri karto qalbigayga karti daro kelifta inaan u booyo oo u baroorto calankii ahaa maradii buluuga ee 4 cisho xorriyadii aan xejisan kari waayay ula cararay Baha-Talyaani.

Muumin, laba jeer god lagama wada qaniino, waa liidnimo inaan cudur daar u yeelo ka bari ahaanshaha denbiyadii ka dhacay Ceerigaabo, Burco,Hargeysa iyo inta ka baalaysa ama u dhaxaysa, waayo? Ragba isumaanan nimaadneen haddii aanan u saqraansanayn 5tii Soomaaliyeed iyo mideyntoodii.

Kolka colaaduhu dhacaan ee dirirta birtu dheregto geesigu waa sababta uu dhulka ugu diidaa calanka, kolkaa haddii uu wanaag yeesho qaran waxa lusha oo bilma calankiisa wixii hoostiisa dhib lagu falana way uskagaysaa, saasaanan u arkaa in maradaa buluuga ahi aanay sharaf iyo xurmo aktayda ka lahayn, xitaa marka aan kala tagno oynu faataxada isku marnana walaalaheen waxaan odhan lahaa bedela wuu nijaasoobayee.

Xaalku si kastaba ha ahaadee waxaan asxaabta maalmahan dabacu ka muuqday oo isugu jira rag waayeel ah oo talaqabeen ah iyo dhalinayro mastaqbal ifaaya leh aan odhan lahaa, yaanan beri kaftanka iyo haldheeriga lagaa yeelan.

Kuwa ay cadaawada qarankani ka dhabta tahayna waxaan Lee yahay Gaadaweynow Libaax Hashaan uga Gayoon waayay inaan Gorayo cawl uga tagaa waa hal soo gudhay.

 

Qalinkii; Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Exit mobile version