GABILEY(W,N) Siyaasi Axmed Maxamed Bookh oo kamida siyaasiyiinta gobolka gabiley ayaa si adag uga hadlay xeer shalay la horkeenay golaha wakiilada kaasi oo lagu sheegay in Xildhibaanada golaha deegaanka la qaadayo xasaanada marka laga reebo maayarada iyo kuxigeenadooda,
Siyaasi Axmed Kayse ayaa xeerkaasi ku tilmaamay mid ay soo alufeen maayaradu qaranka ceeb ku ah
Dhanka kale siyaasi axmed kayse ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in cida musuq maasuqa ugu wayn ku kacday dalku ay yihiin maayarada loona baahan yahay in la kala diro balse aanay suurto gal ahayn in xeer ay samaysteen golaha wakiiladu ansixiyaan.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;