WAJAALE NEWS

Xaalada Maamulka Madaxwayne Farmaajo Oo Kasii Daraysa Iyo Ciidamo Ka Gadooday Mushahar La,aan Oo Weeraro Gaystay!

MUQDISHO (W,N) Ciidamo ka tirsan kuwa ay mushaharka sii jireen maamulka madaxwayne farmaajo ayaa markale ka gadooday xaalada ay ku sugan yihiin kuwaasi oo  weerar ku qaaday guriga Gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool, sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta degmada Xudur.

Ciidankaan ayaa ka tirsan Ciidanka xoogga ee ka howlgalla degaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ay ka gadoodeen mushaar la’aan soo wajahday bilooyinkii ugu dambeeyay.

Gudoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macallin ayaa sheegay in Ciidankaan ay qalqal ku abuureen ammaanka gobolka.

Maxamed Macallin ayaa sheegay in haddii aysan dowladda Soomaaliya aysan deg deg u bixin mushaharka ciidamadan ay tan ka dhalan-karto halis amni, wuxuuna wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ugu baaqay inay deg deg meel u saarto xuquuqda ka maqan ciidankan.

Maxamed Macallin ayaa sheegay in maamulka gobolka Bakool uusan hayn wax lacag ah oo uu ku dabaro ciidamadan mushahar la’aanta hayso, islamarkaana ay yihiin ciidamo qaran oo xaq ku leh dowladda dhexe.

Ciidamadan gadooday ayaa ku biiraya ciidamo kale oo horey uga gadooday gobollada Shabeelooyinka oo ayagana ka cabanay mushahar la’aan.

 

 

Exit mobile version