HARGAYSA(W,N) Qaaradda Afrika waxaa soo maray hoggaamiyeyaal badan oo xukunka isku dhajiyay, kuwaasoo lagu tilmaamay inay kali-talis ahaayeen, hase ahaatee waxaa jiray kuwo kuwo markii dambe si khasab ah xilka looga dajiyay.
Shalay oo Khamiis ahayd waxaa afgambi milatari lagu sameeyay mid ka mid ah hoogaamiyeyaashii waqtiga dheeraa ee Qaaradda Afrika, ka dib markii ay mudaharaadyo looga soo horjeeday dowladdiisa xoogeysteen.
Mr Bashiir waxa uu dhashay sannadkii 1944-kii, waxaana uu ka dhashay qoys ka mid ah beeralayda waqooyiga Suudaan, oo markaas ka mid ahaa Boqortooyada Masaarida.
Wuxuu xubin ka yahay Al-Bedairyya Al-Dahmashyya, oo ah qabiilka Bedouin.
Qabiilkan ayaa ah dad reer miyi ah, daggana dhul badan oo saxaraha carabta ah.
Waxa uu ku biiray ciidankii Carbeed ee ka barbar dagaalamayay Masar oo Israa’iil dagaal la gashay sannadkii 1973-kii.
Inkastoo wax badan aanan laga ogeyn noloshiisa gaarka ah, ayaa hadana waxaa jirta in Cumar Al-Bashiir uusan dhalin wax caruur ah.
Markii ay da’diisu gaartay 50 jir ayuu guursaday xaaskii labaad oo ahayd haweenay Carmal ahayd oo uu qabi jiray Ibraahim Shams Al-din, oo loo arko geesi dagaal yahan ah, waxaana guurkaasi uu ku dhiiri galinayay in la guursado dumarka garoobka ah ee ay geesiyaashu ka dhintaan.
Cumar Xasan Al-bashiir ayaa inta badan waqtisgiisa ku dhamaystay dagaal, oo Suudan waxa uu ku qabsaday afgembi militari sannadkii 1989-kii.
Xukunkiisu wuxuu noqday ilaa sannadkii 2011 mid ka mid ah xukumada ugu adag Afrika.
Hasa yeeshee, kacdoonnada siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay dalkaasi ayaa yeeshay horumar.
Dibad baxyada looga soo horjeedo xukunka Al-Bashiir ayaa bilawday bishii Disembar ee sannadkii 2018-kii ka dib markii ay dawladda ku dhawaaqday in qiimaha shidaalka iyo rootiga uu kici doono.
Dibadbaxayasha ayaa dalabkoodii isu badalay in Mr Al-Baashiir iyo xukumadiisu ay meesha ka baxaan.
Dad badan ayaa ku dhintay dibadbaxyada intii ay socdeen, halka boqolaal kalena xabsiga loo taxaaabay.
Balse dalabka shacabka kadib, waxaa uu madaxweyne Al-Bashiir bishii Febraayo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, isaga oo sidoo kale isku shaandhayn ku sameeyey golihiisa wasiirada, wuxuuna badelay dhammaan guddoomiyayaasha gobollada, xubno ka tirsan ciidamada, halka uu dhagaha ka fureystay dalabkii shacabka ee ahaa in uu xilka baneeyo.
Kadib markii uu dhaqaalaha Zimbabwe si weyn u burburay, mucaaradka Mugabe ayaa batay, iyada oo awalba u aqoonsanaa inuu yahay ‘keligiis talis’.
Isaga oo 93 jir ah ayuu sanadihii dhawaa aad u daciifay muuqaal ahaan, balse sidaas oo ay tahay waxa uu doonayay in uu markale isu soo taago doorasho madaxtinimo.
Ka hor doorashooyinkii 2008-dii, waxa laga soo xigtay in uu yiri “Haddii doorasho lagaaga adkaado, dadkuna ku nacaan waa in aad iska tagtaa”. Markii uu kaalinta labaad galay doorashada, wareeg labaadna loo gudbay waxa uu Mugabe sheegay in ‘Alle oo kaliya’ uu xilka ka qaadi karo.
Xisbiga ZANU-PF ayaa sare u qaaday cadaadis ka dhan ahaa Madaxweyne Robert Mugabe, oo awoodda dalkaasi haystay ku dhowaad 40 sano.
Dibad baxyo looga soo horjeedo ayaa la abaabulay.
Madaxda militariga Zimbabwe ayaa sheegay in ay wadahadal la galeen Mr Mugabe mana aysan shaacinin natiijada ka soo baxday.
Hogaamiyayaasha ururka ay ku bahoobeen galbeedka Afrika ayaa galay dadaalo lagu doonayo in lagu soo afjaro.
Madaxwayne Mugabi ayaa ugu dambayntii xilka dalka laga riday.
Mugabi ayaa xukumayay Zimbabwe tan iyo sanaddii 1980.
Milicsi ku saabsan Taariikhdiisa
Mugabe wuxuu dhashay sannadkii 1924-kii
Sannadkii 1964-kii waxaa xabsi dhigay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian
Sannadkii 1980-kii waxa uu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada kadib
Sannadkii 1996-kii waxa uu guursaday Grace Marufu
Sannadkii 2000 waxa uu ku guuldaraystay afti , kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka
Sannadkii 2008-dii Kaalinta labaad ayuu ka galay doorashooyinkii guud ee dhacay
Sannadkii 2017- Waxa xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa
Mucamar Al-Qadaafi
Qadaafi waxa uu ku dhashey magaalada Sirte sannadkii 1942-kii waxaana uu ka dhashey qoys reer miyi ah, waqtigaas dalka Libiya waxa uu gacanta ugu Jirey gumeystihii Talyaaniga ee uu markaas hoggaaminaayey ninkii lagu magacaabi jiray Benito Mussolini.
Aabaha dhaley Qadaafi ayaa waxaa mar xabsi u taxaabay Gumeystihii Talyaaniga kadib markii uu ka mid noqdey dhaq-dhaqaaq lagu diidan yahay isticmaarka.
Sanadkii 1969-kii, kadib 20 sano markii dalka Liibiya xornimada qaadatay, ayaa koox ka tirsanayd ciidanka inqilaab aan dhiig ku daadan kula wareegeeen taladii dalka, markaas oo Qadaafi uu ahaa 27 sano jir.
Boqorkii dalkaas Idiris waxa uu arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga, waxaana uu markii danbe tarxiil ahaan ugu noolaan jirey dalka Masar
Si deg-deg ah ayuu dunida caan uga noqdey Qadaafi, waxaana uu ku soo caanbaxay hadaladiisi cad-caddaa, iyo isaga oo faraha la galay arrimo aan khuseyn dalka Libiya.
Gaddaafi oo reer Galbeedku ku shaabadeeyeen in uu yahay keligii taliye qaab daran ayaa haddana ay u haysteen in uu geystey denbiyo argagixisnimo.
Maraykanka ayaa sheegey in Libiya ka danbesyey goob lagu caweeyo habeenkiii oo lagu qarxiyey magaalada Berlin ee dalka Jarmalka sanadkii 1986, halkaas oo ay ku dhinteen askar Maraykan ah, waxaana isla sanadkaas Maraykanku duqeeyey Qasriga uu Tripoli ka deganaa Mucamar al-Qaddaafi.
Weerarkaas wuu ka badbaadey, waxaase uu sheegey in ay ku dhimatey Gabadh yar oo uu soo korsadey.
Ismaandhaafka ayaa sii socdey waxaana sanadkii 1988-kii lagu eedeeyey sirdoonka Liibiya in ay qarxiyeen diyaaraddii PAN America, taas oo ku soo dhacdey Tuulada Lockerbie ee dalka Scotland.
Kadib markii uu Maraykanku xukunka ka tuurey madaxweynihii Ciraaq, Saddam Xuseyn sanadkii 2003-dii ayuu Qadaafi ku dhawaaqey in uu ka tanaasulay barnaamijkii samaynta hubka Nucliyeerka ah, waxaana ay maamulkiisa qirteen in ay ka danbeeyeen qaraxii loo geystey diyaaraddii PAN AM.
Waxay taas beddelkeeda ay ku heleen in laga qaado cunoqabatyntii saarneyd, iyaga oo xiriir wanaagsan la sameeyey Maraykanka iyo dalalka reer Yurub.
Bishii Feberaayo sanadkii 2011-kii waxaa ka qarxay dalka Liibiya mudaaharaadyo looga soo horjeedo talada 42 sano jirtey ee Qadaafi, inkasta oo mudaaharaadyadaasi muddo 7 maalmood gudahood ah isu beddeeln dagaallo, waxaana dagaalladaasi horseedeen in kooxaha Mucaaradku qabsadaan magaalada Tripoli Bishii Agoosto ee isla sannadkaas.
Tan iyo markii caasimadda laga soo saarey Qadaafi waxa uu ku dhuumanayey magaalada Sirte halkaas oo ay ka dhaceen dagaaladii ugu xumaa abid ee ka dhaca dalka Liibiya.
20-kii bishii Oktobar ee sannadkii 2011-kii ayaa la xaqiijiyey in Qadaafi uu ku dhintey gacanta kooxaha fallaagada ah.
Cabdicasiis Butafliiqa- Aljeeriya
Kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani ka socdeen dalka Ajeeriya , ayuu Cabdicasiis Butafliiqa iska casilay xilka.
Butafliiqa oo talada dalka Aljeeriya hayey 20 sano, ayaa mar horeba meesha ka saaray qorshe uu doonayey in uu mar shanaad isu soo taago madaxtinimada dalkaas.
Ciidanka awoodda badan ee dalkaas ayaa sheegay in madaxweynahaas 82 jirka ah aanu awoodin in uu guto waajibaadkiisa.
Hoggaamiyahan xanuunsan ayaa waxaa haleelay xanuunka faaligga lix sano kahor, waxaana aad u yarayd in lagu arko fagaareyaasha.
Telifishinka qaranka ee dalkaas ayaa ku warramay in madaxweynuhu uu golaha dastuurka ku wargaliyey in uu xilka ka dagayo.
Hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada dalkaasi ka socda ayaa ka horyimid dalabka ah in madaxweynuhu uu dhammaysto muddada xilkiisa uga harsan.
Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku baaqay in gabi ahaanba la baddalo nidaamka siyaasadeed ee dalkaas ka jira, kaas oo ciidamadu ay kaalin wayn ku leeyihiin.
Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa u badanaa dhalinyaro waxayna doonayeen nidaam xukun oo cusub.
Waxaa jira eedaymo sheegaya in awooddii siyaasadeed ee Mr Bouteflika ay ka faaidaysteen kooxo baayac mushtar ah, siyaasiyiin iyo saraakiisha militariga – si ay jagooyinkooda u ilaashadaan.
Xisbiga talada dalkaas haya ee National Liberation Front (FLN), oo dib u dhigay doorashooyinkii dhici lahaa, ayaa ballan qaaday in ay abaabuli doonaan shirwayne qaran oo isbaddalo cusub lagu taabbagalinayo.
Xisbiga FLN ayaa dalka Algeria soo xukumayey tan iyo markii uu madaxbanaanida ka qaatay dalka faransiiska sanadkii 1962-kii.
Zaynal caabidiin Bin Cali- Tunisiya
Zaynal Caabidiin Bin Cali ayaa xilka madaxweynaha Tunisiya hayay muddo 23 sano ah ka hor inta uusan xilka isaga dagin.
Ciidamada amniga ee dalka Tunisia ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee caasimadda, oo ahayd halka dibadbaxyo ballaaran ay ka dhaceen, kuwaas oo ku soo gabagaboobay in madaxwayne Zaynal Caabidiin Bin Cali uu u duulo dibadda.
Ra’iisul wasaare Maxamed Ghannouchi, oo xukunka xilligaas la wareegay markii madaxwaynuhu baxay ayaa ku baaqay in dhamaan dadka Tunisia ay gacan ka gaystaan sidii loo soo celin lahaa kala dambaynta, lagana qaybqaato qorshe lagu sameeyo isbadal siyaasad, bulsho iyo dhaqaale.
Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Gacanka carbeed ku yaalla ee Qadar, ayaa afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in ay tixgalinayaan rabitaanka iyo dookha dadka Tunisia.
Bin Cali waxa uu ku dhashay magaalada Sousse sannadkii 1936-kii.