WAJAALE NEWS

Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo Diwaangelinta Maddarasadaha Ka Daah-furtay Magaalada Berbera

Berbera (WJN)– Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta magaalada Berbera ka daah-furtay diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah ee gobolka Saaxil, ka dib markii la dhammaystiray gobolka Maroodi-jeex toddobaad ka hor.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdla, Guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan, Isu-duwaha wasaaradda ee gobolka Saaxil, Culimada iyo Maamulayaasha Maddaariska magaalada Berbera.

Waxa uu Agaasime Aadan sheegay inay arrintan wasaaraddu uga dan leedahay si loo sugo tayada iyo tirada Maddarasadaha Diiniga ah, maaddaama oo ay barashada diintu waajib innagu tahay, loona baahan yahay in sida ugu habboon uguna fiican carruurta iyo da’yarta kaleba loo baro Qur’aanka iyo culuumta kale ee Diiniga ah. Agaasimuhu waxa uu u soo jeediyey Madaxda Maddaariska inay is-diiwaangeliyaan, maaddaama oo wax badan oo waajibaad ah ay dawladda ku yeelanayaan marka la ogaado inta shuruudaha buuxisay.

Masuuliyiinta kale ee munaasibadda bilawga diiwaangelinta Maddarasadaha Saaxil ka hadlay, ayaa isku raacay in tirokoobka Maddarasaduhu yahay mid loo baahnaa oo ay Wasaaradda Diintu ku guulaysatay hirgelinteeda. Waxaanay ugu baaqeen Maamulayaasha iyo Mulkiileyaasha Maddarasaduhu inay diiwaangeliyaan maddaariskooda.

Culimada iyo Maamulayaasha Maddarasadaha leh, ayaa iyagu isla maantaba safaf u galay goobta ay diiwaangelintu ka socoto, si ay u diiwaangeliyaan Maddarasadohooda, waxaanay uga mahad-celiyeen Wasaaradda, iyagoo xusay inay soo dhawaynayaan tirokoobkan, si dhawna ula shaqaynayaan wasaaradda heer gobol iyo heer qaran-ba.

Diiwaangelinta Maddarasadaha Qur’aanka iyo Culuumta Diinta, ayaa wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka bilawday Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi-jeex 26ka bishii koowaad ee sannadkan 2019-ka, taasoo la dhammaystiray badhtamihii bishii Maarso, halka ay gobolka Saaxil xaruntiisa Berberana ay maanta ka bilaabantay. Waxa ku xigi doona gobolka Togdheer oo ay xaruntiisa Burco ka bilaabmi doonto 4-ta bishan afraad haddii Illaahay idmo.

Waa markii ugu horreysay ee intii ay Somaliland jirtay tirokoobkan oo kale ay Wasaaraddu samayso, waxaana la gaadhsiin doonaa sida ay Masuuliyiinta Wasaaraddu sheegeen guud ahaan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Berbera Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version