WAJAALE NEWS

Wakhtiga La Gelayo Imtixaannaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland oo La Shaaciyay

Hargeysa (WJN)– Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa Maanta waxay ku dhawaaqtay wakhtiga la qabanayo Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Cismaan Jaamac Aadan ayaa ugu horrayn shaaciyey wakhtiga la qabanayo Imtixaannaadkaasi, waxaanu yidhi “15-ka bisha Junne ee sannadkan aynu ku jirno, 2019, ayaa imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada hoose/dhexe ama fasalka 8-aad iyo Fasalka 4-aad ee dugsiyada Sare..”.

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “15-ka bisha August ee soo socota waxa lagu dhawaaqi doonaa Natiijada Imtixaannaadka shahaadiga ah. Sannad-dugsiyeedka cusub wuxuu bilaabmayaa 10-ka bisha August..”.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Exit mobile version