WAJAALE NEWS

Shir Ku Saabsan Arimaha Cadaalada oo Ka Dhacay Magaalada Wajaale Ee Dhinaca Itoobiya

Tog Wajaale (WJN)- Shirka qiimaynta Hay”addaha cadaalada iyo wada shaqaynta cadaalada ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ay Somaliland qayb ka tahay, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Tog Wajaale ee dhinaca daanta Itoobiya.

Shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadaha guud ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdilaahi Siciid Cumar,Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka magaalada Wajaale ee dhinaca Itoobiya Cawil Cabdilaahi Maxamed, Maayarka magaalada Wajaale ee dhinaca Itoobiya Mukhtaar Abiib Guri Joog, maamulka degmada Wajaale ee dhanka Somaliland,  Saraakiil ka socda maamulada  magaalada Tog Wajaale ee Somaliland iyo Itoobiya.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version