Hargeysa (WJN)– Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale “Boobe”, ayaa ka hadley qiimaha ay leedahay maalinta xuska 18-ka May, Waxana uu Xukuumada ugu baaqay in la ilaaliyo maalmaha qaranka uu leeyahay.
Sidoo kale Qoraa Boobe ayaa ka hadley hadaladii is khilaafsan ee maalintii shalay ahayd ka soo baxay Maayirada Hargeysa iyo Burco ee ku aadanaa xuska 18-ka May.
Dhinaca kale Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka wasaarada Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland, hadalkaasi ayaa wasiirku ku sheegay in astaanta qaranka ee taala xafiisyada dawlada badi ay yihiin kuwa qaldan.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wariye: Xamse Jirde
Wajaalenews Desk
Hargeysa Office