Hargeysa (WJN)- Prof: Axmed Ismaaciil Samater oo ka mida aqoonyahanada Somaliland oo habeenkii xalay ahayd magaalada Hargeysa kaga qayb galay dood lagaga hadlayay sidii loo sii wadi lahaa wadahadalada Somaliland kala dhexeeya Soomaaliya, ayaa waxa uu wadahadaladii hore ku tilmaamay kuwa aan guul laga gaadhin, isagoona sabab cad uga dhigay in wax qorshe ah aan lagu wajihin wadahadaladaasi hore.
Sidoo kale Prof: Axmed Ismaaciil Samater ayaa Xukuumada hada jirta ee u gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadihii ka horeeyay waxa uu ku tilmaamay kuwo aan wali diyaarsan qorshe ay dunida isugu sharaxaan oo ay isugu iib geeyaan si ay dunidu ugu garawdo waxa ay Somaliland doonayso.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wariye: Xamse Jirde
Wajaalenews Desk
Hargeysa Office