WAJAALE NEWS

Dawlada Hoose Hargeysa oo Olole Qashin Uruurin Ah Ka Bilowday Degamda 31 May

Hargeysa (WJN)–Dawlada hoose ee Caasimada Hargeysa, ayaa maanta olole nadaafadeed ka biloowday degmada 31May ee magaalada Hargeysa.

Waxa Ololahan horkacay Maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco”, iyadoona ay qayb weyn ka qaadanayeen qashin uruurinta shaqaalaha waaxda arrimaha bulshada iyo bilicda dawlada hoose Hargeysa.

Khadar Yuusuf Cali oo ah Agaasimaha waaxda arimaha bulshada iyo bilicda ee caasimada Hargeysa, ayaa ka warbixiyay ololahan isagoona sheegay in dhamaan xaafada kala duwan ee magaalada Hargeysa laga uruurin doona qashinka yaala.

Maayirka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “Soltelco” oo isaguna dhankisa ka hadley ololahan qashin uruurinta ayaa tilmaamay in dawlada hoose Hargeysa ay ka go’antahay in kor loo qaado bilicda iyo nadaafada xaafadaha kala duwan ee Hargeysa, waxanu ugu baaqay bulshada kala duwan eek u nool caasimada Hargeysa inay ilaaliyaan qashinka islamarkaana meelku haboon dhigaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version