WAJAALE NEWS

Daraasad Ka Digtay Cabista Shaaha Aadka U Kulul Iyo Dhibaatada Caafimaad Ee Uu Leeyahay !

HARGAYSA(W,N)-Waxa jira dad u tiro badan oo caadeystay cabista shaaha aadka u kulul waxaana marar fara badan aad arkaysaa dad ku odhanaya ma jecli haddii uu shaahu aanu aad u kululeyn.

Balse, deraasaddo kala duwan ayaa arrintaasi ka digtay, waxaanay deraasaddahaasi kala duwan ka digeen halista ka dhalan karta arrintaasi oo ah inay sababto Cancer-ka ku dhaca dhuunta amase cunaha.

Dhakhaatiirtu waxay kula taliyeen dadka jecel cabista shaaha aadka u kulul inay in yar iska qaboojiyaan isla markaana ay cabaan isaga oo diiran.

Heer kulka shaaha aadka u kulul ayaa waxa lagu sheegay inuu yahay 60 derajo oo ah heerkul aad u sareeya ah, dhakhtar magaciisa la yidhaahdo Farhad Islami oo ka tirsan ururka la dagaalanka Cancer-ka ee dalkaasi Maraykanka waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka digaya, “Cabsita shaaha aadka u kulul waa arrin aad ugu badan Dunida waxa aanay kor u qaadaysaa halista ah in dad badan ku dhaco dhibaatada Cancer-ka Cunaha”.

Sidaasi awgeed waxa habboon in dadka caba shaaha aadka u kulul ay hoos u dhigaan kuleylkaasi xad dhaafka isla markaana ay cabaan isaga oo diiran oo aan aad u kululayn.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

Exit mobile version