“Waxaan Leeyahay Umada Bari Iyo Galbeed Ku Nool Salaadiintooda Iyo Cuqaasha Waar Qof Bila Aadana ah Oo Dhibaatada Intaa Leeg Qabaan Ahee Wax Halaga Qabto”Maxamed Xasan.
“Waarniman Yahow Balo Nin Ka Dhacda Ayaa Duni Dhan Aafaysee, Dee Geed Ma Ihiye Ee Umad Ayaa Kasoo Jeedaaye Wax Ha Laga Qabto Dhibaatada Ihaysata” Maxamed X, Dalab.
HARGAYSA(W,N) -Oday Maxamed Xasan Dalab oo ah mulkiilaha dhulka xukuumada madaxwayne biixi sheegtay in madaxtooyo ay ka dhisayso islamarkaana ah oday sideentan jir kana mid ahaa odayaashii muxtarimka ahaa ee magaalada hargaysa, qayb laxaad lehna ku lahaa halgankii dib loogu xoreeyay Somaliland ayaa markii uhoraysay ka waramay tacadi iyo xoog ay xukuumada muuse biixi ku haysa ayna doonayso in ay dhulkiisa kula wareegto, ayaa soo bandhigay marxaladii uu soo maray dhulkan iyo kulamo uu la yeeshay madaxwayne biixi ,
Oday Maxamed Xasan Dalab ayaa fariin qiiro leh Udiray Shacabka Somaliland isagoo shaaaciyay in aanay suurtoobay in dhulkiisa xoog lagaga qaato hadii keenayso xataa in uu ku naf iyo maalba waayo.
Sidoo kale Maxamed Xasan ayaa soo bandhigay dhib wakhtiga lagu hayo ooo xataa loo diiday dad iyo xoolaba in aanay ka bixin dayrka lagu wareejiyay.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA ODAY MAXAMED XASAN DALAB IYO FARIINTA UU SHACABKA UDIRAY;