WAJAALE NEWS

Wasiir Sacad Cali Shire oo Bangiyada Gaarka Loo Leeyahay Ku Dhaliilay Shuruudaha Adag Ee Ay Ku Xidhaan Lacagaha Amaahda Ah

Hargeysa (WJN)- Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa bangiyada dalka ku dhaliilay sida ay u adkeeyaan lacagaha ammaahda ah ee ay dhallinyaradu weydiistaan si ay ugu samaystaan maalgashi.

Sacad Cali Shire ayaa ugu baaqay shacbiga inay xisaabaad ka furtaan bangiyada isla markaasna ay lacagtooda dhigtaan si dalku uu uga faa’idaysan karo, waxaanu Wasiir Sacad kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay Jaamacada Hargeysa oo uu kaga hadlaayay maalgashiga dalalka aan la aqoonsanayn.

Wasiirka maaliyada ayaa ku canaantay jaamacadaha dalka in aanay u tabobarin dhalinyarada inay qabtaan shaqooyin gacanta laga qabanaayo ama inay curiyaan fikrado, taas badalkeedana dhalinyaradu ay wada doonayso inay xafiisyo fadhiistaan.

Wasiirka maaliyada oo dhiirigalinta maalgashiga ka hadlaayaa iyo dabarka ay bangiyadu ku xidhaan lacagta la weydiisto ee amaahda ah, wuxuu yidhi “Sidee baa loo dhiirigalin karaa maalgashiga gudaha oo aan  runtii u arko inuu aad iyo aad u muhiim yahay, siyaabo badan ayaa loo dhiirigalin karaa, ugu horaynta waxaynu u baahanahay in wax kasta oo aynu haysano aynu bangiyada dhigano oo xisaab ku lahaano, qof waliba waa inuu leeyhay akoon  aan xisaabta dhigano, bangiga aan lacagta dhiganaana waa inuu u sahlo dadka doonaya inay dalka maalgashadaan inuu lacagta amaahiyo imika amaahdii ayaa adag, imika adiga oo dhalinyaro ah oo fikir fiican haya ayaad u tagaysaa mid ka mid ah baanankeena waxaad odhanaysaa fikirkan wanaagsan ayaan hayaa toban kun ayaan u baahanahay, waxaanan lacagtaada kuugu soo celinayaa sanad gudihii ee I amaahi, waxa laga yaabaa intaas oo shardi inuu kugu xidho, oo uu ku yidhaahdo guri keen oo dhul keen oo damiin keen oo uu shuruudo badan oo aanad kari karayn uu kugu xidho, laakiin haddii dadkuna bangiga wax dhigan lahaayeen bangiguna uu wax amaahin lahaa waxay dhiirigalin lahayd dhalinyarada fikirka haysa ee doonaya inay dalka maalgashadaan.”

Wasiir Sacad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa kale oo aan ku dhiirigalin karnaa inaan samaysano sanduuq cid kastaaba ay wax gashan karto oo dalka lagu maalgaliyo ama beero ama macdan ama warshad waa meelaha dhiirigalin kara runtii. Ardayda jaamacadaha ku jirta ee ka soo baxaysaa haddii lagu dhiirigaliyo fikrado maalgashi laftigeedu maalgashiga kor ayay u qaadaysaa laakiin hadaan ku barbaarino inay dawlad uun u shaqeeyaan oo ay xafiis uun fadhiistaan taasi dhiirigalin mayso. Maalin dhexdaas ah waxaan ka qaybgalay qalinjabintii jaamacada badda waxaana ka qalinjabiyay maalintan arday baratay kaluumaysiga waxay sameeyeen codsi ay leeyihiin hanala geeyo xarunta Hargeysa kaluuna waa ay barteen, laakiin Hargeysi kaluun malaha, xafiis maxaad ka fadhiyi, waxaan lagu barbaarin marka ay jaamacada ka soo baxaan inay doon qaataan oo jilaab ama shabakad ay qaataan oo ay galaan badda oo ay kala soo baxaan markaas waxa aynu u baahanay in haayadaheena waxbarashada kuwa ugu hooseeya ama ugu sareeyaba inay wax curiyaan oo xataa waxa yar ee ay haystaan ay maalgashadaan, imika tijaarteena waaweyn nin waliba waxa uu ka bilaabay kaaryoonle, waa inyar laakiin, waxaan u baahanahay inaan ku barbaarino maskaxda dhalinyaradeena inay dadaalaan muruqooda maalaan oo wax kaydsadaan oo maalgashadaan.”

Source: Geeska

Exit mobile version