Gabiley (WJN)- Waxaa maanta magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley si rasmi ah uga furmay shirkii 13aad ee Maayirada gobolada dalka iyo Agaasimeyaasha wasaaradaha.
Shirkan oo ay ku midoobeen Maayirada dalka ee ku midoobay Mashruuca maamul daadejinta dawladaha Hoose, waxa goob joog ka ahaa Maayirada Gabiley, Boorama, Berbera iyo Burco.
Sidoo kale Shirkan waxa ku sugnaa Agaasimeyaasha Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Qorshaynta, Hawlaha Guud, Arrimaha Gudaha, Gaadiidka, waxa kaloo iyaguna shirka qayb ka ahaa oo ku sugnaa isuduwayaasha gobolada.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/ALw6NqL5DSU