Addis Ababa (WJN)- Xafiiska Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa noqday ishii ugu horreysay ee warka ku saabsan shilka diyaaradda Itoobiya, halkaas oo lagu soo waramayo in dadkii saarnaa oo dhan ay ku dhinteen.
“Xafiiska Ra’isal wasaaraha, isaga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo dadka Itoobya, waxa uu doonayaa in uu tacsi tiiraanyo leh u diro qoysaska dadkii ku geeriyooday Diyaaradda Ethiopia Airlines ee nooceedu yahay Boeing 737 taas oo dhacday xilli ay samaynaysay duulimaadkii caadiga ah ee Nairobi ay ku tagaysay saaka”.
Waa xog dhamaystiran oo aan caadi ahayn, taas oo kaliya aanan sheegeynin waxa dhacay, ee sidoo kale wadata faahfaahin dheeraad ah sida nooca diyaaradda, halka ay u socotay, xilliga ay dhacday, iyo in ay dad ku dhinteen.
Marka ay shilalka ceynkan oo kale ah dhacaan, waxa ay warbaahinta aad ugu dhibtoodaa helista xog dhamaystiran oo ku saabsan waxa dhacay iyo xaqiijinta dowladda uu shilka khuseeyo.
Waxaa intaas sii dheer qaabka lagu soo gudbiyay xogta oo ah baraha bulshada, taas oo warbaahinta adduunka hadda u noqotay il wareed ay ka xigtaan wararka jira.
Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa madax badan oo Afrika ah uga duwan xagga daahfurnaanta iyo galaangalka saxaafadda uu siiyo.
WAJAALENEWS DEKS
ADDIS ABABA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM