WAJAALE NEWS

Mareykanka: Maxaa Ka Soo Bixi Doona Warbixintii Mueller Ee Muddada La Sugayay?

WASHINGTON. D.C (WJN)- Aqalka sare ee Mareykanka ayaa ka dhursugaya warbixinta Robert Mueller ee ku aaddan ololihii Trump iyo Ruushka, iyadoo la filayo inuu maanta warbixin ka soo saaro.

Robert Mueller ayaa loo xil saaray baadhitaanka xidhiidhka ka dhaxeeya olihii madaxtinnimada madaxweyne Trump iyo Ruushka.

Warbixintan oo muddo laba sano ah la sugayay ayaa Jimcihii loo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee William Barr.

Sarkaal ka tirsan waaxda caddaaladda ayaa sheegay in warbixintu ayna ku jirin eedeymo cusub.

Muddadii uu baadhitaanka socday, Mr Mueller iyo kooxdiisa ayaa dacwado ku soo oogay 34 qof – oo ay ku jiraan lix ka tirsan shaqaalaha Trump iyo shakhsiyaad Ruushka u dhashay iyo sidoo kale saddex shirkadood.

Eedeymahaas ayaanan si toos ah u quseynin ololihii madaxtinnimada ee Trump iyo xukuumadda Moscow oo uu madaxweyne Trump mar walba beenin jiray.

Mr Mueller ayaa la sheegay inuu sidoo kale baadhitaan ku sameeyay in Trump uu meel kaga dhacay sharciga oo uu hor istaagay baadhitaan ay FBI-da ku wadday xidhiidhka u dhaxeeya ololihiisii iyo Ruushka.

Weli ma cadda inta ay leegtahay xogta ku jirta warbixinta ee bulshada lala wadaagi doono. Mr Barr ayaa go`aansan doona sidoo kale xogta lala wadaagayo aqalka sare.

Mr Barr, oo uu magacaabay Trump, ayaa madaxda aqalka sare u sheegay Jimcihii inuu yahay qof aanan dhinac ahayn.

‘Daawo oo sug’

Mr Barr ayaa shalay sagaal saacadood ku qaatay waaxda caddaaladda. Madaxweynaha ayaa dhanka kale tagay hoteelkiisa ku yaalla Florida, ee Mar-a-Lago, halkaas oo uu ka qadeeyay wakhtina ku qaatay.

Beryahanba wuu ka aamusnaa baraha bulshada, kumana aanu sheegin in warbixintii Mueller la soo gudbiyay.

Maxaa laga yeeli doonaa warbixinta Mueller?

Sida sharciga ah, ma jiro wax xeer-ilaaliyaha guud ku qasbaya inuu warbixinta la wadaago bulshada, xogta uu la wadaagayo aqalka sarena waxay noqon kartaa mid kooban, balse wuxuu hore u sheegay inuu la wadaaagi doono inta uu awoodo.

Exit mobile version