WAJAALE NEWS

Itoobiya oo Maanta Looga Baroor Diiqayo Dadkii Ku Dhintay Shilki Diyaaradeed

Addis Ababa (WJN)- Itoobiya ayaa maanta looga baroordiiqayaa dadkii ku dhintay shilkii diyaaradda ee dhacay maalinti shalay iyada oo calanka dalkaasi hoos loo dhigay dakal gudahiisa iyo safaaradaha uu dibadaha ku leeyahayba.

Baroodiiq halka maalin soconaya waxaa go’aamiyey golaha Wakiillada shacabka ee dalkaasi.

Shilkii diyaaradeed ee maalinti shalay ka dhacay dalka Itoobiya waxaa ku dhintay 157 qof oo diyaaradda saarneyd.

Shilkaasi oo aan la sheegin waxa sababay haddana waxaa socda baadhitaan lagu ogaanayo sababti shilkaasi ka dambeysay.

Dadkii diyaaraddaasi saarnaa oo dhammaantood geeriyooday waxay u kala dhasheen 33 dal.

Diyaradda rakaabka ee burburtay oo nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8 waxay burburtay xilli ay u kala goosheysay Addis Ababa iyo Nairobi.

 

WAJAALENEWS DESK

ADDIS ABABA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version