WAJAALE NEWS

Guurka Dhallinyarta Iyo Saamaynta Waalidiinta! W/Q:Cali Coomay.

Markay labada qof ee is guursaday ay aqalgalaan, waxay labada qof la soo baxaan hab-dhaqanka rasmiga ah ee a lahaayeen. Labada qoys ee ay ka soo kala jeedaan labadan qof, ayaa mid kasta loo xambaariyaa dardaaran uu kula dhaqmo xaaskiisa. Gabadhu waxa ay hore u soo maqashay amma dhagaheeda ka batay halku-dhigii odhan jiray” naagi god ha kaaga jirto ama gunti rageed”. Halka ninkuna uu soo maqali jiray halku-dhigii odhan jiray” naag baa rag is-dhaafisay”. Mid kastaa dhankiisa ayuu aaminsanaa in haddii uu helo uu barwaaqo ceegaagta cagaha la galayo, balse arrintu waxa ay is beddeshaa marka guriga la isugu tago, oo qof kasta dhaqankiisa la arko. Bal aynu eegno dardaarnada loo xambaariyo labada is-calfaday. Waxa kale oo jira dardaaran dhinaca wanaagsan ah, balse waxa ka badan inta xun.

Dardaaranka gabadha loo soo laqimo

Dardaaranka ninka loo laqimo

Labadii qof oo soo dhegaystay dardaarankii doonayana inay ku dhaqmaan, ayaa gurigii isugu iminaya, oo xaalkii ayaa cirka isku shareeraya, ileyn waa la isku soo diray, oo markii hore heshiis ayey ahaayeen. Nin ayaa la weydiiyey miyaad jeceshahay naagtaadu inay dhimato, maya ayuu yidhi, sababta ayaa la weydiiyey. Wuxuu yidhi” inaan farxad u dhinto ayaan ka baqayaa”. Waayo wuxuu ku dhaqmay dardaarankii hore loogu soo laqimay.

Ugu dambayntii tallo:

Waxaan kula talin lahaa gabadha iyo ninku inay iska iloobaan dardaaranka xun ee gurigooda burburinaya, oo ay ka qaataan wixii iyaga anfacay, wixii dardaaran la soo siiyay. Bulshadeenu waxa ay leedahay dhaqan fiican iyo mid xunba. Markaa talooyinka lagu soo xambaariyey ka qaado wixii dan aad moodo ama inta fiican ee gurigiina dhisaysa. Bilowga hore talada ma diidi kartid oo waad isku dhacaysaan reerka aad kala jeedaan, markii ka dhegaysta, ka dib wixii faa’ido leh ka qaata. Waa tii hore loo yidhi” Naag nimaan u sabarini kama ilmo dhalo”

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Exit mobile version