WAJAALE NEWS

Dhismaha Wadada Berbera Corridor Iyo Hadaladii Ka Soo Yeedhay Masuuliyiinta Xukuumadu Ee Nooca Ay Noqonayso Oo Bulshada Muran Badan Ka Dhex Abuurtay!

ILAYN WAR BAA UGU GAAJO BADAN

Waddo cusub ayaa la dhagax dhigay iyo maaha ee wadadii hore ayaa la hagaajinayaa oo la cusboonaysiinayaa ee ma jirto waddo kale oo cusub oo aan ahayn tii jirtay. Muranka ugu badan suuqayada Hargeysa intaas ayuu ahaa tan iyo intii ka dambaysay dhagaxdhigii wadada Berbera/Togwajaale. Dad waxay ku sababaynayaan in waddo cusub la dhisayo qiimaha wadada oo ka badan 400,000$ halkii KM.Waxay leeyihiin hadii ay tii hore uun tahay qiimuhu intaa iyo wax u daw muu noqdeen.

Qaar kalena waxay xiganayaan hadalo ay warbaahinta ka dhegaysteen in kaste aan cid xogogaal u ah hawsha dhismaha wadada oo si faahfaahsan uga hadashay taas oo dad badani ay u fasirteen in madaw iyo shicib aan loo kala war roonaynba mashruucan waayo Wasaaradda Gaadiidka iyo Wadooyinku kamay hadlin, Wasaaradda Hawlaha Guud kamay hadlin iyo Injineeradeedii. Sidoo kale Haya’ddii Wadooyinkuna waxba kamay sheegin.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa bartiisa Fb soo dhigay sawir waddo first class oo aad u qurux badan astaanta qaranka ee Somalilandna lagu dhejiyay taasoo ay dadka qaar u qaateen Inay tahay wadada la dhisayo sawirkeedii laakiin wadadu waxay ahayd mid dalka Imaaraadka Carabta ahayd. Agaasimuhu isagoo sii faahfaahinaya shacbigana ugu bishaaraynaya Dhismaha Wadada waxa hadaladiisii ka mid ahaa “dhulka ay wadadu mari doonto waxa ka samaysmi ganacsiyo sida kaalmo shidaal iwm taas oo iyana dad badan u sii xaqiijisay inay run tahay dhismaha wado cusub. Hadana Faysal Cali Waraabe oo isaguna mindhaa xogogaal isbidayay ayaa yidhi “Waar wadadii hore la dubi maayo ee waa la balaadhinayaa biriishaydiina waa la dhisayaa”. Faysal isaguna wuxu cadeeyay in aanay jirin waddo cusubi. Masuul sare oo xisbiga WADDANI ah ayaa isagu ku mucaaridaynaya oo ku bolotiigaya mashruuca ayaa isaguna shaxdii u baxay laakiin wuxu degay cidla oo wuxu yidhi “waar ma jirtaba waddo la dhisayo ee waa been oo waa sidii mashruucii Xumbowayne”.

Hadaba yaa Alihii Alleh yahay oo la rumaystaa ama dadkan fooda iskula jira ka xogogaalsan oo bulshada war la’aantu hayso wax uga iftiimiya hawsha mashruucan mise ma jirto oo waxaynu ku dhaafnaa bishu horteenay iman soomaaliduna waxay tidhaa “Ilayn War Baa Ugu Gaajo Xun”

Siyaasi Cali Maxamed Yusuf “Cali Guray”

Exit mobile version