WAJAALE NEWS

DAAWO;-Telefishanka Itoobiya Oo Shaaciyay War Ka Duwan Ka Xukuumada Farmaajo Shacabka Sheegtay, Iyo Xaqiiqada Muranka Badda+ Waxa Lagu Heshiiyay!!

ADIS ABABA (W,N)  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa garwadeen ka ahaa dhex dhexaadinta Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya, waxaana xalay isaga iyo Madaxweyne Farmaajo gaareen Nairobi, iyagoo ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa.

“Labada madaxweyne ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta kulan fool ka fool ah ay yeesheen oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD waxa ay isla oggolaadeen in lagu xaliyo si diblumaasi ah khilaafka u dhexeeya ee salka ku haya lahaanshaha dhul badeed.”ayuu shaaciyay taleefishinka dowlada Ethiopia.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haysta lahaanshaha dhul cabirkiisa lagu qiyaasay boqol kun oo laba jibaaran oo lagu tuhmayo inuu kheyraad badda dhex ceegaago, waxayna hortaal maxkamada caalamiga ah dacwad ay labada dowlba sugayaan natiijada ka soo baxda.

Hase yeeshee warkan uu baahiyay taleefishinka Ethiopia maanta ayaa ka duwan war uu soo saaray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed uu ku sheegay in aan ajandaha shirka lagu soo hadal qaadin arrinta badda ee kiiskeeda uu yaalo Maxkamadda ICJ, isla markaana mowqifka dowladda Soomaaliya uu yahay mid cad uu ku sheegay in aysan dowlada Soomaaliya marna wadahadal iyo gorgorton ka galaynin khilaafka badda ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKA UU BAAHIYAY TELEVISIONKA ITOOBIYA;

Exit mobile version