WAJAALE NEWS

Cusbitaalka Hargeysa oo Markii U Horreysay Laga Hirgeliyey Qayb Cudurka Kansalka Lagu Baadho

Hargeysa (WJN)- Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu soo kordhiyey qalab cusub iyo qayb u gaar ah baadhitaanka cudurka Kansalka oo aan hore uga jirin iyo qaybo kale oo iyagana la horumariyey.

Waxaa xadhigga ka jaray Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxaana ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas, Dhakhaatiir Caalami ah, Madaxda Cusbitaalka, Mudan iyo Marti-sharaf kale oo lagu maamuusay munaasibadda lagu furayey qaybtaas cusub ee sida wacan loo qalabeeyey ee Cusbitaalka guud lagu kordhiyey.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version