WAJAALE NEWS

Xadka Somaliland iyo Itoobiya oo Lagu Qabtay Lacago Malaayiin Ah oo Laga Leeyahay 12 Dal (SAWIRRO)

Tog Wajaale (WJN)- Wasaaradda Dakhliga ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay Lacago laga leeyahay 12 dal iyo 7 kiilo oo dahab qaydhiin ah oo ka bixi lahaa xadka Somaliland iyo Itoobiya ee Magaalada Tog Wajaale in la qabtay.

Wasiiradda Wasaaradda Dakhliga Itoobiya Adanech Abebe waxay sheegtay “lacagaha la qabtay iney isugu jireen 8,200 oo Yuuro, 31,990 Giniga Istarliinka ah, 25,665 Doolarka Kanada, 8,800 oo doolarka Austraaliya ah, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland”.

Sidoo kalana lacagaha kale ee la qabtay waxaa ka mid ah ayay tidhi “wasiiraddu 80,870 Kiraawnka Norway, 4,810 Riyaalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 riyaalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta cumman iyo 7 Kiilo oo dahabka qaydhiin”.

Waxayna laamaha ammaanka dalkaasi Itoobiya gaar ahaanna waaxda Jibriga gacanta ku dhigeen shaqsiyaadkii looga shakiyey iney lacagtaasi dalka si sharci darra ah uga bixinayeen.

Wasiirradda oo u mahadcelisay xogta ay wasaaradda soo gaadhsiiyeen iyo iskaashiga ay had iyo jeer la leeyihiin iyada oo sheegtaty haddii ay dowladda shacabka marweliba iskaashadaan in wax weliba guul laga gaadhayo.

Wasiir Adaanech waxaa kale oo ay ku baaqday “iney dowladdu marnaba u dulqaadaneyn falalka sharci darrada ah, ka wasaarad ahaanna maadaamaa uu sharcigu noo igmaday inaan ka hortagno fal dambiyeedyada ganacsiga iyo lacaga sida sharci darrada dalka uga baxa ama u soo gala ayna sii wadeyso tillaabbooyinka ay kaga hortageyso falkasta oo dhaqalaha dalka wax u dhimaya”.

Tallaabba kasta oo aan u qaadeyno ka hortagga falalka noocasi ahna ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo sidii ay muwaaddiniinta dalka kheyraadka dalka uu leeyahay ay si siman uga wada faa’ideysan lahaayeen.

Sagaalki bilood ee la soo dhaafay waxaa dalka Itoobiya qaybihiisa kala duwan lagu qabanayey lacago, hub, dawooyin iyo daroogo kala duwan oo dalka si sharci darra ah loo soo gelin lahaa.

Ugu danbayn Xukuumada Somaliland, ayaa iyadu aan wali ka hadal lacagtan balaayiinka doolar ah ee lagu qabtay magaalada Tog Wajaale.

 

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version