WAJAALE NEWS

Wasiirrada Wasaaradaha Gaadiidka, Deegaanka iyo Maareeyaha Wakaallada Waddooyinka oo Ka Hadley Faa’iidada Dhismaha Jidka Kala-baydh iyo Hargeysa

Kala-baydh (WJN)- Wasiirrada wasaaradaha Gaadiidka iyo horumarinta jidadka, iyo Deegaanka iyo horumarinta Reer miyiga, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, maareeyaha Wakaallada horumarinta waddooyinka Mudane Cismaan Sheekh Cabdi, ayaa hadallo kooban ka jeediyey munaasibada dib-u-dhiska iyo Balaadhinta ee waddada isku xidha caasimadda Hargeysa iyo deegaanka Kala-baydh ee gobolka Gabiley oo dherarkeedu dhan yahay 60KM.

Sidoo kale Masuuliyiintan ayaa si isku mid ah ugu dheeraaday faa’iidada waddadani qaranka u leedahay iyo sida guud ahaanba qaranku ugu baahan yahay in uu helo waddooyin tayo leh oo casri ah, kuwaas oo fududayn kara isu socodka gaadiidka dalka isaga kala gooshaya, iyaga oo madaxweynahana ku bogaadiyey sida uu ugu heellan yahay dayac-tirka waddooyinka hore u jirey iyo hirgelinta kuwo cusub.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version