WAJAALE NEWS

Mareykanka Oo Shaaciyay In 35 Dagaalyahan Oo Ka Tirsan Ururka Al-shabaab Ku Dileen Duqeyn Ay ka Fuliyeen Gobolka Hiiraan.

MUQDISHO (W,N)-Taliska ciidamada Mareykanka ee AFricom ayaa qoraal ay ku baahiyeen boggooda Twitter –ka waxaa ay ku sheegeen in duqeyn ay ka fuliyeen 24kii bishan deegaanka 23 mile u jira magaalada Beledweyne ku dileen 35 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

“Weerarkaas waxa uu ka hor-tagay halis ku wajahneyd saaxiibadeenna iyo shacabka Soomaaliyeed, ka hor inta Al-Shabaab aysan awood u yeelan inay is abaabusho” ” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Maj. Gen. Gregg Olson oo ah agaasimaha howlgallada AFRICOM.

Duqeyntan ayaa qeyb ka ah weerarro cirka oo ah oo saacadihii ugu danbeeyay diyaaradaha Mareykanku ka geysanayeen qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose oo duqeymihii ugu badnaa ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska ayaa qoraalkiisa ku sheegay in ay bartilmaameedsadeen koox ka tirsan Al-shabaab oo xiliga uu weerarku dhacayay isaga gudbayeen labo deegaan oo ku yaala dhulka baadiyaha ah ee miyiga gobolka Hiiraan.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay sii wadi doonaan weerarrada cirka ah ee ka dhanka ah Ururka Al-shabaab guud ahaan marka la eego deegaannada ay ka maamulaan dalka Soomaaliya.

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version