WAJAALE NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi oo U Ambo-baxay Gobollada Galbeedka Dalka, Gurigiisana Ku Booqday Madaxweynihii hore

Gabiley (WJN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal shaqo ugu ambo-baxay Gobollada Galbeedka Somaliland ayaa si diiran Loogu soo dhaweeyey deegaannada u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

Siduu ku soo warramay Weriyaha Shabakada Wajaalenews ee Gobolka Gabiley, waxa Madaxweynaha maamulka gobolka Gabiley, waxgaradka deegaankaas iyo dadweyne tiro badani ay ku soo dhaweeyeen magaalooyinka Carro-Yaambo, Abaarso iyo Arabsiyo.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa socdaalkiisu la xidhiidhaa xog ogaal u noqoshada xaallada bulshada ku dhaqan gobollada galbeedka Somaliland, waxaana lagu wadaa inuu Isniinta toddobaadkan ka furmo magaalada Boorame shirweynihii lixaad ee Golaha Dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE  kaasi oo lagu qabanayo Boorame.

Geesta kalena, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu ka ambobixin caasimadda Hargeysa, wuxuu  booqasho iyo salaan ugu tegay madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna Aas-aasaha xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Exit mobile version