WAJAALE NEWS

Itoobiya iyo Jabuuti oo Kala Saxeexday Heshiiska Dhoofinta Gaaska Dabiiciga Ah Ee DDS

Addis Ababa (WJN)- Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Itoobiya ENA , ayaa Wadamada Jabuuti iyo Itoobiya kala saxeexday heshiis ku saabsan dhoofinta Gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro Dowlada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya,iyadoo la adeegsanayo dhuumaha Gaaskaasi dabiiciga ah ka soo qaada Itoobiya ee keena Jabuuti,ila 760 KM oo dhumaahaasi laga soo qaado deegaanada Elala iyo Kulab lana geeyo dekedda Jabuuti.

Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Poly-GCL ayaa fulin doonta mashruucaasi oo dhismihiisa ku kacaya 3.2 Billion,waxaa la filayaa in soo saarista Gaaska uu bilowdo 2021,sida uu Wakaaladda ENA u sheegay Koang Tutlam Wasiiru Dowlaha Batroolka iyo Macdanta dalkaasi Itoobiya.

“Marka aan bilowno dhoofinta,waxaan awoodaynaa in aan soo saarno ilaa 1 Billion oo Dollar,waxaana kordhaya dakhliga oo gaadhaya 6 ilaa 7 Billion sanadkiiba”, Ayuu yidhi wasiir Koang Tutlam

Heshiiskaasi ayaa waxaa u kala saxeexay Yonis Cali Guuleed oo ah wasiirka Tamarta ee Jabuuti iyo Samuel Urkatu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Itoobiya,waxaana ay sheegeen in tallaabadan ay fursado shaqo abuur iyo kobac dhaqaale u noqon karto bulshooyinka  labada dal.

Exit mobile version