Askarigan ayaa rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay saarnayd haweenayda dhimatay oo la sheegay inay ka timid cisbitaal una socotay gurigeeda.
Markii uu askarigan rasaasta ku furay Mootadii ay saarnayd haweenayda kadibna uu dul tagay oo uu arkay haweenayda in rasaasta ay ku dhacday, ayaa waxaa la sheegay in askariga uu ka cararay goobtaasi oo uu baxsaday.
Haweenayda geeriyootay ayaa lagu magacaabi jiray Xaawo Shiikhow Faarax, sida ehelkeeda ay Warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen.
Ehelada Marxuumada ayaa waxa ay sheegeen in maydka ay geeyeen Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Somaliyed ee C.I.D.
Ciidamada dowladda ayaa falal tacadi ah ka gaysta Magaalada Muqdisho, mana jirto cid si dhab ah ula xisaabtanta Ciidanka.