WAJAALE NEWS

“Hadii Uu Madaxwaynuhu Martiqaaday Abwaan Cabdiraxmaan Abees, Oo Weliba Baabuur Khaas Ah U Soo Diray Ceeb Ayay Ku Ahayd Inuu Yidhaa Diiday”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka dareen celiyay socdaal Abwan Cabdiraxmaan Abees ku tagay Magaalada boorama kadib mudo bil iyo dheera oo uu xidhnaa markii ay maxkamada gobolka marooji jeex shaacisay in ay ku wayday danbi  halkaasi oo uu kula kulmay Madaxwayne Muuse biixi iyo xubno kamida golaha xukuumadiisa.

Tagi taanka Abwaan Abees Ee boorama ayaa yimid kadib markii uu madaxwaynaha ka helay martiqaad

Hadaba siyaasi Cali Guray ayaa soo dhaweeyay aqbalaada abwaanka ee dalabka madaxwaynaha isagoo sheegay in aanu abwaanku xisbi ahayn balse ay sax tahay in uu tixgaliyo marti qaadka madaxwaynaha uga yimid. Waxaanu cali guray sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu kubaahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna  udhignaa Sidan;

WEGER MAAHA TANI IYO KA WAASACAN MIDNA

Hadii ay run tahay in si gaar ah uu Madaxwaynuhu u martiqaaday oo weliba baabuur khaas ah u soo diray ceeb ayay ku ahayd inu yidhaa DIIDAY. Sax buu ku ahaa inu aqbalo martiqaadka Madaxwaynaha mana aha taasi wuu Kulmiyoobay.

Hadii Cabdiraxmaan xadhiggii baa edbiyay oo saaxiguu keenay oo waa kaa Kulmiyoobay tahayna dee Cabdillahi Xasan Ganay ha la noo yara xidho dhakhso ha u Kulmiyoobo eh hadii xadhig la isku Kulmiyaynayo ha noo soo Kulmiyoobo eh

Exit mobile version