WAJAALE NEWS

Xisbiga Ucid oo Soo Bandhigay Sababihii Xilka Looga Qaaday Gudoomiye Ku Xigeenkii Koowaad Ee Xisbigaasi

Hargeysa (WJN)- Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa maanta jawaab adag ka bixiyay eedaymo guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbigaasi ee xilka laga qaaday u soo jeediyay madaxda ugu saraysa Xisbigaasi.

Shir jaraa’id oo ay si wada jira xarunta xisbiga Ucid ugu wada qabteen Xoghayaha arrimaha gudaha Xisbigaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo guddoomiyaha xisbigaasi u qaabilsan gobolka Awdal Cabdirashiid Ibraahim Isaaq, ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen qodobada loo cuskaday xilka qaadistii ay maalintii shalay ahayd ku sameeyeen guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Xisbigaasi Cabdinaasir Buuni.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/JVrdo8Dfc2U

Exit mobile version