WAJAALE NEWS

Waxyaabaha Taariikhda Galay Ee Ku Gedaaman Dhaarinta Ilhaan Cumar

Washigton (WJN)- Ilhaan Cumar oo ah haweeneydii ugu horreysay oo Soomaali ah oo loo doortay inay xubin ka noqoto aqalka Koongareeska ee waddanka Mareykanka ayaa xilka si rasmi ah loogu dhaariyay.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa noqday gabdhihii ugu horreeyay ee Muslimiin ah ee ku soo baxa doorashooyinka Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan ayaa markii ay soo galaysay waxa ay ku soo labisatay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, sida caadada u ahaydna madaxeedu wuu dadnaa oo way xijaabnayd.

Haddaba qaabkee Ilhaan Cumar ku tagtay Kongareeska?

1.Aabaheed ayey ka soo wada dageen garoonkii ay ka soo galeen Mareykanka

Ilhan Cumar oo dhawaan loo doortay inay xubin ka noqoto aqalka Kongareeska dalka Mareykanka ayuu aabaheed Nur Mohamed ku wehliyey safar taariikhi ah, waxa ay si wada jir ah uga soo dageen garoonkii ay ka dageen markii ay Mareykanka soo galayeen muddo hadda laga joogo 23 sanno, markaas oo ay ka soo kicitimeen xeryaha qaxootiga ee Kenya oo ay muddo ku jireen.

Waxa ay soo qortay hadallo uu yidhi aabaheed oo ah “23 sanno ka hor, aniga iyo qoyskeyga waxaan soo gaadhnay garoonka diyaaradaha ee Washington annagoo qaxooti ku ah dalkan, oo markaasi ka nimid xero qaxooti oo ku taalla dalka Kenya…23 sanno kaddib waligey kuma riyoonin in aan dib ugu laabto isla garoonkii diyaaradaha anigoo la socda gabadheyda Ilhaan, maalin ka hor inta aan loo dhaarin xilka haweeyneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorta xildhibaanada aqalka Kongareeska”.

2.Waxaa lagu dhaariyay kitaabka Qur’aanka oo uu awoowgeed hadiyad ahaan u siiyay

Ilhaan Cumar ayaa waxa lagu dhaariyey bannaanka aqalka Koongareeska ee Mareykanka, iyadoo la timid Kitaab uu awoowgeed horay hadiyad ahaan ugu siiyey.

Waa markii ugu horreysay ee qof lagu dhaariyo Kitaabka Quranka, mana ahan mid hore u dhacday.

Ilhaan ayaa waxa ku weheliya Koongareeska gabadh kale oo Muslim ah una dhalatay Falastiin.

Waxay boggeeda Twitter-ka ku soo qortay in awoowgeed uu ku dhiira geliyay damaceeda ah inay siyaasadda heer sare ka gaadho.

Waxay sheegtay in maanta uusan nasiib u yeelan inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiga ah ee lagu caleemo saarayay.

“Waxaan jeclan lahaa inuu goob joog ka noqdo munaasabadda taarikhiiga ah, anigoo niyada ku haya waxaan gacanta saaraya Kitaabkiisa Qur’aanka si aan ugu xuso munaasabadda la iigu dhaarinayo” ayey tidhi.

3.Waxay aqalka Koongareeska la gashay Xijaab ama khamaar

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, oo iyadana ah gabadh muslim ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin, ayaa loo dhaariyey xildhibaannimada Koongareeska Mareykanka, Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee ugu horreyay ee abid ku biiray aqalkaas, waxaana lagu soo doortay tigid-ka xisbiga Dimuqraaddiga.

Ilhaan Cumar ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban fadhiisata aqalka Koongareeska Maraykanka, markaas oo ay ku labisnayd dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Ilhaan ayaa bishii November markii la doortay waxa ay ballan qaaday in ay soo gabagabayn doonto sharciga mamnuucaya in madaxa la dado marka la fadhiyo aqalka Congress-ka.

BBC-da ayey u sheegtay in shaqada ugu horreysa ee ay qabaneyso ay tahay sidii ay u badbaadin lahayd khamaarkeeda, taasna ay garab ku siiyeen siyaasiyiinta kale ee xisbigeeda saameynta leh.

“Sidaan ognahay Waddankan sharciyadiisa waxay oggolyihiin in qof walba uu diintiisa xor u ahaado laguna xushmeeyo, Marka aniga waxaan ahay qof muslim ah oo xijaab xidhata, sharcigaanna waa muhiim inuu ii oggolaado inaan xijaabkeyga xidho shaqadeydana guto, Markii la i doortay waxaan ogaannay inuu jiray sharci igu adkeynaya inaan khamaarkeyga wato, marka waxaa fursad la ii siiyay inaan aniga noqda qofka horseedaya sidii sharcigaas loo baddali lahaa” ayey tidhi Ilhaan.

 

Source: BBC Somali

Exit mobile version