Hargeysa (WJN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Md. C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa sheegay in uu jiro dagaal xoog leh oo Somaliland dhinaca dibadda kaga socda, kaasoo ay soo abaabulayso dawladda Itaalka daran ee Muqdisho.
Waxaanu tilmaamay in barnaamijka loo yaqaano is-dhexgalka bulshaddu uu yahay mid la doonayo in lagu majaro-habaabiyo ummadda reer Somaliland, isla markaana la iskaga horkeenayo dawladda Somaliland iyo shacabkeedda.
Wasiir Guri-barwaaqo, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay il gaar kula socoto cid kastoo arrintaasi ka danbeysa ama ku lug leh, waxaanu xusay in aan loo dul qaadan doonin in shaqsiyaad Somaliland ku dhex nooli ay Somaliland uga dhex ololeeyaan Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiska isgaadhsiinta ee Wasaaradda, waxa kaloo uu ka hadlay safar uu dhawaan ku tegay dalka Ingiriiska, waxaanu sheegay in warkii la xidhiidhay kulankii uu la yeeshay ergayga ay dawladda Ingiriisku u soo magacawday Somaliland la majaro-habaabiyey.
Waxaanu wasiir Guri-barwaaqo tilmaamay in warbaahinta madax banaan ay si qaldan u turjumeen hadalkiisii uu ka sheegay TV-ga qaranka ee kulankii uuLondon kula yeeshay ergayga UK u soo magacowday Somaliland.
“Waxaa jira dagaal xoog leh oo dibadda innagaga socda arrinta loo yaqaano is-dhexgalka bulshada, waa arrin loogu talogalay in bulshada Somaliland lagu majaro-habaabiyo, oo dawladeedda lagaga horkeenno. Haddaba, haddii ay taasi jirtay, dawladdu indho Qudhaanjo ayey leedahay, waanay og tahay hadduu TV yahay, hadduu Wargeys yahay, hadduu yahay nin madax ah, haddii uu yahay nin ganacsade, cid alla cidda ku xidhan Xamar dawladdu way og tahay.
Sannadkan cusub, waxaa loo kala baxayaa Somalilander iyo Somaliland diid. Markaa ninkii aan Somaliland Hunguri ka qabin ama aan ku kalsoonaynoow, Xamar way kuu bannaan tahay. Hase yeeshee lagaa yeeli maayo in aad isku dirto bulshada reer Somaliland, kana shaqeysato, isla markaana aad naxli kala dhex dhigto bulshada reer Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Sidoo kale C/raxmaan Guri-barwaaqo, ayaa farriin adag u diray qaybaha kala duwan ee Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaan TV-yada iyo Wargeysyadda dhammaantood, waxaan ku boorinayaa in ay aqoontooda Af-Soomaaliga iyo ka shisheeyaha ah ee ay wax ka soo hal tebinayaanba ay bartaan. Hal-tebintu waa aqoon jaamacado loo galo. Maaha aqoon inta lagu riyaaqo dabadeedna la iska qoro. Eray kasta eraygiisa iyo aragti kasta aragtideedda siday afkaa ugu dhigan tahay haddii aanad aqoonin, fadlan waxba ha hal-tebinin.”
Geesta kale, Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay safarkii uu dhawaan ku tegay dalka Ingiriiska iyo kulankii uu la yeeshay ergayga ay dawladda Britain u soo magacowday Somaliland. “Socdaalkaygii aan toddobaadkii hore ugu maqnaa dalka Ingiriiska, wixii soo qabsoomay iyo wixii aan la kulmay intaba waxa laga sii daayay warbaahinta qaranka, hase yeeshee markii ay arrintaasi warbaahinta madaxa bannaan qaadatay siyaabo kale ayaa loo dhigay. Waxaa la yidhi ‘wuxuu la kulmay safiirkii loo soo magacaabay Somaliland iyo eray bixin qaldan oo la adeegsaday oo aheyd ‘ergaygii’. Waxaan dadweynaha u sheegayaa labadaa eray in aanay aniga afkayga ka soo bixin. Erayga safiir waa Carabi, af-Soomaaliga-na waa danjire.
Markaa anigu ma odhan danjire ayaan la kulmay. Qofkii haya in aan eraygaa idhi bannaanka ha soo dhigo. Erayga ‘ergay’, Af-Ingiriisiga waa ‘envoy’. Kaasna maan adeegsan. Ninkii igu beeninayaa ha yimaado hortayda. Erayga aan adeegsaday waa u qaybsane, ama u qaabilsane, waxaanu la mid yahay erayga af- Ingiriisiga ah ee Representative.”
“Maalintii aan London ka soo baxay kadib, ninkii aan la kulmay wuxuu la shiray bulshada reer Somaliland ee degan magaalada London, waxaana la yidhi ‘waxba lama magacaabin’ haddaba; haddii aan ninkaasi la magacaabin muxuu bulshada Somaliland ee UK ula kulmay? Markaa waxaa halkaa ka muuqata in dhawr arrimood ay ka soo baxeen, oo kala ah in hab-maamuuskii dawladnimo lagu tuntay, oo ay tahay in aan laga been sheegin wasiirrada ama masuuliyiinta dawladda. Warkuna waa in siduu yahay loo sheego.
Qoddobka labaad wuxuu yahay in aan erayadda anshaxa ka baxsan warbaahintu adeegsan. Halkaana waxaa ka muuqata aqoon darro xagga xulshada erayada ah in ay meesha ka maqan yihiin. Nin madax ah been buu sheegay waa laga wanaagsan yahay. Haddaba haddii ninkii aan la kulmay uu bulshadii reer Somaliland la kulmay, waxa la buriyey ama la beeniyey muxuu yahay?
Waxaa iyana layaab leh, TV-ga Horn Cable oo ka mid ahaa TV-yada aan ugu hanka weynaa in ay labadaas eray ee isku midka ah war ka sameeyeen. Qoraalkii waxaa ku qoran representative, anigana codkaygu wuxuu ku soo baxay u-qaysane, waana isla midkii. Waxa markaa meesha laga saaray ee la beeniyey maxay tahay? Ma laga yabaa hawshan iyo sidan hadalka loo dhigay in ay u jeeddo ka danbayso la doonayo in la iska hor keeno dawladda iyo dadweynaha,”ayuu yidhi Wasiir C/raxmaan Guri-barwaaqo.
Waxa kaloo, Wasiirka Warfaafintu ka hadlay xeerka Saxaafadda oo uu sheegay in uu hadda dhammaad ku dhaw yahay, isla markaana marka xeerkaasi la dhammaystiro aanay jiri doonin wax khilaaf ah oo dhex mara warbaahinta iyo Xukuumadda, waxaanu yidhi; “Waxaa meel wanaagsan noo maraya, dhammaad na ku dhaw xeerkii Warbaahinta. Xeerkaasi oo noqon doona mid dhan walba raali geliya, haddii ay tahay warbaahinta madax baNnaan iyo warbaahinta dawladaba. Waa mid noqon doona in aan dib danbe la isku qab-qabsan, ee uu jiro xeer haddii qolo qolo ku gefto lagu kala saarayo.
Shaqo ayaa innaga dhexaysa ee nacab kale innagama dhexeeyo dawladda iyo warbaahinta madax bannaan. cid la xidhayaa ma jirto. Hase ahaatee, waxaa jirta maxkamad iyo xeer ina kala saaraya.”
Dhinaca kale Wasiir C/raxmaan C/laahi Faarax, oo Weriyeyaashii shirka jaraa’id joogay waydiiyeen su’aal la xidhiidhay in shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta ay u shaqo tegeen ama ka hawl galaan warbaahinta madax bannaan gaar ahaana TV-yadda, waxa uga qorshaysan ka wasaarad ahaan, waxaanu ku jawaabay “Wasaaradda warfaafinta lagama yaacayee, waa la Doog dhabanayaa ama waa la cosob sanayaa. Waxaa la rabaa in wasaaradana laga shaqeeyo, meelaha kalena laga shaqeeyo. Waan soo dhaweynayaa ninkii wasaaradda warfaafinta ka tirsan ee waraaq ii soo qora, ee yidhaahda shaqadii waan ka tegay, waayo? Magaalada intaas oo nin oo saxafiyiin ah oo u baahan shaqo ayaa jira.
Hase yeeshee, maanta (shalay) laga bilaabo qof keliya oo u shaqeeya Wasaaradda Warfaafinta, oo ka shaqayn kara warbaahin kale oo madax bannaan ma jiri doono. Waxaan halkan u farayaa nin kasta oo Wasaaradda Warfaafinta ka tirsan oo meel kale ka shaqeeya, haddii aanu doonaynin Wasaaradda Warfaafinta, annagu waanu soo dhaweynaynaa, weliba waanu sii sagootiyaynaa, warqadiisana ha noo soo qoro uu kaga tegayay shaqada.Haddii kale ma dhacayso in uu xirfadii iyo aqoontii la geliyay ee dawladu gelisay uu meel kale ugu shaqeeyo. Waa in uu caddaystaa mowqifkiisa.”
Wasiirku waxa kaloo uu ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradiisa kal-hore iyo waxyaabaha u qorshaysan sannadkan cusub ee 2019-ka.Waxaanu sheegay in ay sannadkii hore tayeeyeen qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, sida TV-ga, Wakaallada Wararka ee SOLNA oo uu sheegay in ay ku soo kordhiyeen in warside kooban oo la geeyo xafiisyada dawladda.
Wasiirku kaloo uu tilmaamay in sanadkan cusub ee 2019-ka ay u qorshaysan tahay sidii loo tayayn lahaa qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dawladda gaar ahana TV-ga iyo idaacadda Radio Hargeysa.
WAJAALENEWS DESK
HARGEYSA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM