WAJAALE NEWS

Wafdi Ka Socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Loo Diiday In Ay Tagaan Garoowe

Muqdisho (WJN)- Wararka imanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa sheegaya in halkaa ay ku xayirnaayeen tan iyo saaka wafdi ka socday dowladda oo lagu waday in ay u anbabaxaan magaalada Garoowe.

Waxaa socday dadaalo ay wadeen Isimada Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan faroole oo la doonayay in loo ogolaado wafdiga dowladda Federaalka inay tagaan Garowe, hase ahaatee uu diiday Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaanayo C/weli Gaas.

Wafdiga la filayay in ay u socdaalaan magaalada Garoowe waxaa ka mid ahaa Wasiirro iyo xidhibaanno ka soo jeeda deegaannada Puntland, iyaga oo halkaa u tagaya ka qebgalka iyo korjoogteynta doorashada madaxwynaha e  la filayo in maalin kaddib halkaa ka qabsoonto.

Todobaadkii hore waxaa ka degay magaalada Garowe Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo laga soo doorto maamul goboleedka Puntland, kuwaasoo aanan ku jirin xubnaha Wasaaradda Amniga Puntland amarka ka soo saartay.

Hore musharixiinta iyo Isimada maamul goboleedka Puntland  ayaa uga hor yimid go’aanka Puntland ee mas’uuliyiinta dowladda looga mamnuucay Garoowe, hasse ahaatee maamulka ayaa mar kale ku celiyay go’aanka uu arintan ka qaatay.

Exit mobile version